Sunday 29 November 2009

Barakac ka Bilaawday Degmada Dayniile kadib Markii Ciidamada Dowlada ay halkaasi dageen kana bilaabeen dhac, Kufsi iyo arimo kale…

Wararka ka imaanaya Caawa Degmada Dayniile ayaa sheegaya in uu halkaasi ka bilaawday Barakac halkaasoo qeybo ka mid ah ay fariisimo ka sameysteen Ciidamo ka tirsan Milateriga Dowladda oo dhowaan dib u habeyn iyo tababar dibada ku soo qaatay.

Sida ay wararku sheegayaan Ciidamada Milateriga ayaa shalay gelinkii danbe gaaray Warshada Kabka, iyagoo aan wax iska caabin la kulmin Xoogaga ka soo horjeedo, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay Odayaal ku dhaqan Degmada Dayniile.

Dadka ku dhaqan Xaafada Raadeerka iyo xaafadaha kale ayaa walaac ka muujinaya Ciidamada soo dul degay, iyagoo qaarkood durba bilaabaya in ay isaga.barakacaan.


Wararka aan caawa ka helayno Halkaasi ayaa sheegaya in ay Ciidamada Dowlada bilaabeen dhac ay ka gaysanayaan Goobahaasi, kuwaasi oo dadka ka Qaadanaya Mobilada halka warar aan la xaqiijina ay sheegayaan in uu jiro fara Xumayn la sheegay in ay kual kaceen hablo soomaaliyeed, balse arintaasi wax cadayn ah looma hayo.

Ma ahan markii ugu horeyasy oo Ciidamo ka Tirsan Dowlada ay dagaan Goobo balse waxaa maalmihii ugu danbeeyay soo baxayay eedaymo loo Jeedinayo Ciidamadaasi.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...