Tuesday 17 November 2009

Jaamacadda jigjiga Oo Arday Cusub Qaadaneysa

Jaamacadda jigjiga Oo Arday Cusub Qaadaneysa, Meeqaase Ardaydan Soomaali Ah?
Jigjiga, 17-Nov-2009 - Jaamacadda Jigjiga ayaa waxey qaadaneysaa 2,800 arday cusub ah, kuwaasoo lagu wado inay ku kala biiraan kuliyadaha jaamacadda ay ka kooban tahay. Su'aashase isweydiinta mudan waxey tahay; meeqaa ardaydan Soomaali ah?

Dad badan ayaa markii ay maqlaan Jaamacadda Jigjiga waxey is-tusaan; maadaama ay jaamacaddu ku taal deegaan Soomaaliyeed inay ardayda dhigtaa yihiin, ama ugu yaraan ay ardeyga ugu badan tahay, Soomaali.

Haddaba arrintaas ay dadka qaar is-tusaan ayaa ah mid aynan waxba ka jirin. Jaamacadda Jigjiga heerarka degree ardayda dhigataa 90% waa Xabashi iyo Oromo, Soomaalida waxey dhigtaan diploma inta badan, waana dad galabti dhigta (part-time students), una badan xaasley shaqaale dowladeed ah.

Jaamacadda Jigjiga ayaa waxey ka kooban tahay siddeed kuliyadood, waxaana dhigto 3,300 arday ah, lamana filayo inay tiro la sheego oo arday Soomaaliyeed ah kamid noqoto 2,800 arday ee ay hadda jaamacaddu qaadaneyso.

Haddaad eegto jaamacadaha Kilil-lada kale ee Itoobiya, jaamacad kasta ardeyda dhigata waxaa ugu badan tan ay deegaankeedu jaamacaddu ku taal.

Waxaa kale oo la yaab ah in tabeellaha uu ku qoran yahay magaca jaamacaddu yahay luuqadda Xabashiga oo kor ah iyo Ingiriiska oo hoos ah, meelna kaga ma qorna magaca jaamacadda oo Soomaali ah, inkasta oo uu dastuurku dhigayo in deegaanka lagu maamullo luuqadda Soomaaliga.

Wariyaha Wabishabeele ee magaalada Jigjiga oo isku dayey inuu xiriir la sameeyo madaxa Jaamacadda Jigjiga, Dr. Cabdinasir Axmed, si uu u ogaado sababtay arrintan ku dhacday, ayaanan ku guuleysan isku daygiisi.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...