Thursday 19 November 2009

Maamulka Puntland ee gobolka Mudug oo amar ku siiyey dad aan u dhalan gobolkaasi iney muddo 48 saac ah uga guuraan magaaladda Gaalkacyo

Wareegto ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha maamulka Puntland ee gobolka Mudug Axmed Cali Salaad ayaa dadka aan u dhalan beelaha dega gobolkaasi iney muddo 48 saac ah uga baxaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Amarkan ayuu gudoomiyaha ku sababeeyey inuu yimid ka dib markii dadkaasi ay lagu tuhmay iney ka dambeeyaan falalka amaan daro ee mudooyinkan ku soo batay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dilalka iyo qaraxyada lala beegsado inta badan habeenkii ciidamada iyo xarumaha maamulka Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

Waxaa loogu hanjabay wareegtadan cidii khilaafta amarkaasi ee iyadoo aan deegaanka u dhalan lagu arko magaalada Gaalkacyo in laga qaadi doono talaabo sharci ah oo aad adag.

Magaalada Gaalkacyo waa magaalo aad u weyn oo dad kumanaan gaaraya ay ku nool yihiin waxaana dad badan ay isweydiinayaan sida ay suuragal ku noqon karto dad kumaan kun gaaraya oo mudo dheer halkaasi degenaa iney kaga guuraan 48 saac xili ay dadkaasi intooda badan heystaan duruufo nololeed oo aad u adag.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...