Sunday 22 November 2009

Milateriga Itoobiya oo ku hubeysan gaadiid dagaal ayaa soo galay fariisimo cusubna ka sameystay deegaano ka tirsan gobolka Bakool

Degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa wararka ka imanaya waxay sheegayaan in cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ay halkaasi soo gaareen iyagoo ka soo talaabay xadka u dhexeeya Gobolka Bakool iyo Itoobiya.

Ciidamadaasi Itoobiyaanka ah ayaa wararku waxay sheegayaan in saraakiishii horkacaysay ay kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada dawladda federalka ee horay looga saaray gobollada Bay & Bakool oo ku sugnaa degmada Yeed, inkastoo aan la ogayn waxyaabaha ay kulankooda iskula soo qaadeen.

Ciidamada Itoobiya ayaa intii ay soconayeen kulamada ay lahaayeen saraakiisha ciidamada dawladda federalka iyo kuwa Itoobiya waxay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen daafaha degmada Yeed, iyagoo fariisimo ka samaystay meelo aan sidaasi uga fogayn degmada.

Imaatinka ciidamada Itoobiya ee degmada Yeed iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxay imaanaysaa xilli shalay dagaallo goos-goos ah ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolka Bakool kuwaasoo dhex maray ciidamada dawladda federalka iyo xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, lamana garanayo in ciidamada Itoobiya halkaasi sii joogi doonaan iyo inay dib ugu noqon doonaan halkii ay ka yimaadeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...