Thursday 17 December 2009

Ahlu Sunaj Wal Jamacah oo Shireysa

Culumaa’udiinka Ahlu sunah waljameeca oo shirweyne ay ka qeyb galayaan boqolaal ergo maanta ku yeelanaya degmada Caabud-waaq ee gobolka G/gaduud

Ergooyin tiradooda ay gaareyso ilaa boqolaal oo kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa ka qeyb galaya shirweyne la filayo in culumaaudiinka ahlu sunah waljamaaca uu saacadaha soo socda ee maanta uga furmo magaalada Caabudwaaq ee gobolka G/gaduud sida ay sheegayaan wararka halkaasi naga soo gaaraya.

Shirkan oo muddo aad u dheer ay qabanqaabadiisu ka socotay degmadaasi Caabudwaaq ayaan weli si rasmi ah loo shaacin ajendayaasha looga hadlayo, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in arimo quseeya culumaa’udiinka ahlu sunah lagu faaqidi doono shirkaasi.

Amaanka goobta uu ka dhacayo shirkaasi ayaa waxaa si aad u adkeeyey ciidamo ku lebisan darays gaar ah oo dhowaan loo soo afjaray tababar in muddo ah uga socday magaalada Caabudwaaq, kuwaasoo la arkayey iyagoo baaritaano adag ku sameynaya ergooyinka iyo dadka kale ee qeyb galaya shirkaasi.

Waa markii ugu horeysay ee shirweyne noocan oo kale ah ay isugu yimaadaan culumaa’udiin ka tirsan ururka Ahlu sunan waljameea oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa, waxaana uu ku soo beegmayaa xili culumaa’udiinka ahlu sunah waljameeda ay dagaalo kula jiraan xoogaga Islaamiga ah ee dhowaanahan ka hana qaaday dalka somalia dhinaciisa koonfureed.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...