Saturday 26 December 2009

AHLUSUNNA WAL-JAMACA War Saxaafadeed

25/12/2009
Warbixin dheeri ah oo ku saabsan shirkaan ay culimaa udiinku ahlusunna wal-jamaaca kuleeyihiin m.cabudwaaq ee G/galgaduud.

SABABTA KALIFTAY SHIRKAAN

Fikirka shirkaan wuxuu biloowday markii ay ku guuleysteen culumaa’udiin ka ahlusunna waljamaca in ay ka xoreeyaan qayba ka mid ah dalka somaliya khawariijta ku soo duushay diinta,dadka iyo dalka somaliyeed.

Islaarkaana lahelay amni iyo istiqraar ay la’aayeen shacabka deegaanadaas mudo dheer.

11/01/09 markii laga framaroojiya caasimadda g/galgaduud m.dhuusa mareeb gacmihii khawaarijta ee gumaysiga ku haystay ayey heleen shacabku fursad ay uga fakaraan sidii ay u heli lahaayeen maamul lagu gaaro kala dan beyn iyo nabad waarta, 18/02/09 ayey ahayd markii ugu horaysay ee ay dhisteen culumaa’udiinka ahlusunnah waljamaca maamul kumeel gaar ah oo mudadiisu ahayd 3bilood.

Maamulkaas oo ahadaaftiisa ay ugu waawayneed (2) qodob.

1- Inuu dardar galiyo ladagaalanka khawaariijta

2- Inuu ugogol xaaro isla markaana uu diyaariyo shir lagu dhiso maamul intaa kabalaaran oo lagu gaaro ujeedada rasmigaa ee ahlusunnah waljamacah oo ah in laga sifeeyo khawaariijta dalka soomaliya lanahelo nabad iyo xasilooni dhab ahaantiina ujeedooyinkaas guulo lataaban karo ayaa laga gaaray ugu danbeyntiina waxaa qabsoomay shirkaan hada loofadhiyo.

UJEEDADA SHIRKAAN

1- In logu sameeyo maamul wax ku ool ah oo mideeya deegaanada ay gacanta ku hayaan culumaa’udiinka ahlusunnah waljamacah ama ay ciidamadoodu kula dagaalamayaan khawaariijta si loo xaqiijiyo hadafka laga leeyahay oo ah kasifaynta qawaarijta dalka somaliya iyo habsami usocodka gudashada waajibaadka horyaala ahlusunnah waljamacah sida ,

· Dib usoonoolaynta adeegyadii bulshada oo mudo dheer burbursanaa sida

· Kala danbeynta

· Amniga

· Caafimaadka

· Wax barashada iyo dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada

2- abaabulka dardar kaglinta iyo isku dubaridka dagaalka ay umada soomaaliyeed uga soo horjeedaan cadowga khawaariijta silooga dulqaado gumaadka iyo dhaca joogtadaa oo ay ku hayaan dadka soomaaliyeed ee islaamka ah.

AHMIYADDA SHIRKAN

Sidaa darteed shirkaani wuxuu uleeyahay umada soomaalyeed muhiimad gaar ah oo ah raja soo celinta ay u baahanyihiin.

shirkani waa kii ugu horeeyey ee noociisa ahaa oo lagu qabtay gudaha dalka somaliya kaasoo kamadaxa banaan habayaraatee gacan shisheeye.

KASOO QAYB GALAYASHA SHIRKA

Shirkaan waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada sida

A) Culumaa’udiinka

B) Aqoonyahanada

C) Salaadiinta iyo indheer garadka

D) Dhaliyarada

E) Ganacsatada

F) Haweenka

G) Abwaanada

H) Iyo dhamaan qaybaha ay bulshadu ka koobantahay oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dabadiisaba

GUULAHA LAGA GAARAY SHIRKA

Shirku haatan wuxuu maryaa heer gaban gabo waxaana kasoo bixi doona go’aano nuxurleh oo wax ku ool u ah umadda somaliyeed Insha Allahu tacaalaa,

Shirkaan majirto cid gacan kageysatay oo kabaxsan dadka soomaaliyeed, dhinac dhaqaale siyaasad iyo fakir midnaba.

Shirkaan waxaa dhexfadhiya Culumaa’udinkii ugu waaweynaa ee soomaaliya ee daraasaadka shareecada islamka ka aqrin jiray dhamaan dalka somaliya

MAHAD CELIN

Intaas kadib waxaan umahad celinaynaa dhamaan dadkii soomaaliyeed ee suurta giliyey inuu shirkaani qabsoomo iyo guud ahaan shacabka wax garadkaa ee afkaartooda kusoo biirinaaya shirka dal iyo dibadba meelkastoo ay joogaan taasoo u dhiganta iyagoo jooga hoolka shirka sidookale waxaad afkaartiina qaaligaa noogusoo gudbin kartaan Email ka ciwaan kiisu yahay info@ahlusunna.org

BAAQ GUUD

Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan bulshada soomaaliyeed in ay ka dheeraadaan wax kasta oo qilaafsan shareecada islam ka kana foojignaadaan wax walba oo mugdi galinkara ayaayahooda una midoobaan sidii ay ku gaarilahaayeen mustaqbal wanaagsan aaqiro iyo aduunba

Gaar ahaan waxaan ugu baaqaynaa goobaha ay kasocdaan dagaalada sokeeye sida gaalkacyo, agagaarka camaara iyo bacaad wayn inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan xabadda uu ku daadanayo dhiigga sokeeye kuna xaliyaan khilaafaadka dhexdooda ah wadahadal.

Ugu dan baynti waxaan bulshada soomaaliyeed eek u nool daafaha caalamka iyo caalamka intiisa kaleba ugu baaqaynaa inay taageeraan shirkaan iyo wixii kasoobaxaba maadaama uu muhiim uyahay umadda soomaaliyeed.

MAHAD SANIDIIN

MADAXA WARFAAFINTA AHLUSUNNA WAL-JAMAACA.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...