Friday 25 December 2009

Ciidamada Amisom oo saacadihii la soo dhaafay Dilay ku dhawaad 15-Qof oo shacab ah

, ayada oo Goobta lagu Dagaalamayo ay ahayd meel u jira 20-talaabo Isgoyska KM, ayna si ula kac ah Suuqa Bakaaraha Madaafiic ugu garaacayeen…

Waxaa soo kordhaya qasaarihii uu gaystay Dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Amisom iyo Ururka Xisbul islaam.

Dadka Reer Muqdisho ayaa la yaabay shalay markii Ciidamada Amisom dagaal fool ka fool ah ay kala Hor yimaadeen Ururka Xisbul islaam, uuna dagaalku ka socday Agagaarka Xafiiskii FPNS ama meel u jirta 20- talaabo, kuwaasi oo hadana Suuqa Bakaaraha klu garaacay Madaafiic aan loo mayl dayin.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa aaboow Ninka wayn r iga Celi kan yar ayaa iska celinayaa, taasi oo u muuqatay shalay arintii ay sameeyeen Ciidamada Amisom, kadib markii ay Maleeshiyaadka Xisbul islaam ay u jirsadeen in ka yar 20-talaabo ayaga oo qadar daqiiqado ah gaaray ama qabsaday Isgoyska KM4.

Shalay ayaa lagu arkayay sida ay Bogan u sheegeen Ururka Xisbul islaam ayaga oo ka dagaalamaya agagaarka ama afaafka hore ee Iskuulka Hoyga Xamar iyo Xafiiska Somali-fruit oo u jirta dhowr talaabo Isgoyska L/4 balse ay Ciidamada Amisom ka doorbideen in ay Madaafiic ku Garaacaan Suuqa Bakaaraha iyo Degmooyinka Hoos yimaada sida H/wadaag iyo Hodon.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...