Thursday 17 December 2009

Dawlad Islaami Ah

Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka Asmara oo Dowlada Islaamiga dhawaan lagu dhawaaqayo loo diiday in ay ka midnoqdaan iyo Calanka Alshabaab oo Soomaaliya Calan u noqon doono

Shir maal mahaan ugu socday xoogaga ugu awooda badan ee Soomaaliya ee Ilsamiyiinta ah ayaa lagu gorfeynayaa in Soomaaliya loo dhiso dowlada islaami ah oo soo coleso Qilaaafa Islaamiyo oo aduunka ka maqneed dhowr boqol oo sano

Dowladaan Islaamiga ayaa sida aan wararka ku helyno wada dhisanayaan garabyada Xisbil Islaami iyo Alshabaab oo xiligaan gacanta ku haayo intabadan gobolada Soomaliya iyo Intabadan caasiamda Muqdisho

Dowladaan oo lagu dhawaaqayo ayaa booska madaxweynha waxaa loo bixinayaa Amiir kaa oo la siinayo soona xulanayo xoogaga Alshabaab halka Gudoomiyaha golaha Shuuradana la siiyey Xisbul islaami halka awood qeybsigana sheegayaan in wali la wado oo qaarna leysku mari la yahay

Kooxaha Islaamiyiinta shirayo ayaa goaan ku gaaray in aan dowlada Islaamiga lagu soo darin qof xubin ka noqday Dowlada Midnimada Qaran ama tii ka horeysay iyo kooxaha la baxay Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka Asmara ee ka soo galay Bulshada Rayidka iyo Dowladii Cabdulaahi Yuusuf

Waxaa sidoo kale goaan lagu gaaray in calamka Soomaaliya ee buluuga ah la badalo laguna badalo Calanka Madoow ee alshabaab ee ka muuqato Astaanta diinta

Isku soo wada duubee dhagaha shacabka Soomaaliyeed ayaa u dhaga taagayo waxa ka soo baxo shirkaasi iyo dowlada islamaiga ay soo dhisaan waxaase la yaab noqotay in kooxaha wadaada u diideen Dowladii umada ka dhaxeysay cid aan iyaga aheyn oo aan cimaamad wadan surwalkana u gaabsaneen

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...