Thursday 31 December 2009

Dawladdaha tababarada siinaya ciidamada DFKMGS oo ka walaacsan in ay ku biiraan ciidamadaasi Al- Shabaab.

29. december 2009

APL

Muqdisho(AllPuntland)- Xubno sar sare oo ka tirsan Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha gudaha iyo Arrimaha dibada ayaa usheegay APL in ay dalalka Caalamka ee tababarada siinaya ciidamada dawladda Soomaaliya ay cabsi ka qabaan in ay ciidamada ay siinayaan tababaradu ay marka ay yimaadaan Soomaaliya, ay ku biiraan Xarakada Al- Shabaab oo aad uga soo horjeedo Siyaasada Reer galbeedka iyo dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Dawladdaha Faransiiska, Mareykanka iyo dawlado kale oo ka mid ah Midowga Yurub ayaa ka walaacsan in ay dhici karto in ay ciidamadaasi hadhow ka mid noqdaan Xarakada Al- Shabaab, waxa ayna usheegeen Madaxda dawladda KMG ah ee Soomaaliya in ay tababarada dibada usoo dirsadaan dadka lugu kalsoon yahay.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in kaalmo Milateri oo hub ahayd lugula kaalmeeyey dawladda KMG ah ee Soomaaliya mudooyin badan, ay gacanta qarkood ugaleen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.

APL ayaa ogotaay xogtan, waxaana ciidamadii ugu dambeeyey ee loo diray dalalka Africa, gaar ahaana Ugandha iyo Jabuuti ee ay kala tababarayaan Midowga Yurub iyo Mareykanku ay noqdeen kuwa aad looga dhex xulay ciidamada dawladda KMG ah ee Soomaaliya, taasoo laga dareemay gudaha ciidamada dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ee dawladda KMG ah oo ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Talyaaniga ayaa shaaciyey lama huraanimada in aysan ciidamada la tababarayo hadhow ku biirin kooxaha diidan, isagoo sheegay in ay dalalka Caalamku aad uga hadleen qodobada la xariira arrimahaasi.

Dawladda KMG ah ayaan awood badan ku laheyn gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho oo ay hada ka degan tahay masaafo dhan 2 KM, sida ay qirayaan dalalka Deeqaha bixiya ee taageera dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...