Thursday 24 December 2009

Gaalkacyo: Dagaaladii ugu xooga badnaa oo ka dhacay Gaalkacyo maanta..WARKII UGU DAMBEEYEY

24. december 2009

Gaalkacyo(AllPuntland)- Dagaaladii ugu xooga badnaa ayaa ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, markii ay dhinaca Koonfureed ee magaaladu bilaabeen in ay duqeymo ugeystaan xaafadaha Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Ilaalada dawladda Hoose oo maantadii hore ku jiray dagaalka, ayaa lugu soo qaaday guluf adag oo uga yimid dhinaca Koonfureed ee magaalada, oo adeegsaday madaafiicda goobta iyo boobayaasha culus, taasoo walaac daran ku abuurtay dadka magaalada Gaalkacyo.

02:40 saacada magaalada Gaalkacyo ayaa si toos ah uga bilaabatay magaalada adeegsiga rasaasta waa weyn ee ka dhacaysay gaadiidka dagaalka, waxaana dhinacyadu ay adeegsadeen rasaas geystay dhimasho iyo dhaawac xoog leh.

Ciidamada dawladda Puntland ayaa wajahay dhinaca Koonfured ee magaalada, markii ay sheegeen in lugu soo humaajiyey xarumahooda dagaalka, isla markaasna ay dagaalada ka soo qeybgaleen si buuxdana uga soo mid noqdeen ciidamada Maamulka Galmudug oo aan ukala harin.

Saraakiisha dawladda ayaa difaacay adeegsiga hubabka waa weyn,waxa ayna sheegeen in magaalada gaar ahaana xaafadaha Puntland lugu garaacay madaafiicda goobta oo geysatay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ka jawaabidii hubabkii ka imaanayay dhinaca Koonfureed ee magaalada ayaa kalifay in ay dib ubaxaan ciidamada Galmudug, isla markaasna ay kuwa Puntland ay gaaraan goobihii ay fadhiyeen ciidamadii ka soo horjeeday.

Kulamo xasaasi ahaa oo looga hadlayay xaajada dagaalka iyo waxa ay Gaalkacyo baaqi ku ahaan karto, ayaa go’aamo kala duwan ay ka soo baxeen, kuwaas oo ilaa hada aan loo soo gudbin Saxaafada madax banaan.

APL ayaa xariiro ay la sameysay cusbitaalada Waqooyiga & Koonfurtu waxa ay sheegeen in ay qaabileen dhaawacyo fara badan oo ay ku jiraan dhinacyada dagaalamaya iyo dad Shacab ah, iyagoo sheegay in ay sidoo kale lasoo gaarsiiyey dad Meyd ah oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Madfac ka yimid dhinaca Koonfureed kuna habsaday xaafad ay joogen dad rayid ah ayay ku dhinteen qoyskii dagana, qaarkoodna ku dhaawacmeen, taasoo ka mid ahayd talaabooyinkii laga dhaxlay dagaaladii maanta.

Dhawaaqa rasaasta ayaa hada yaraatay, inkastoo marar qaarkood la maqlayo Rasaasta qoriga BKM iyo AK-47-ka oo ay dhinacyada caadi uadeegsanayeen ilaa shalay, inkastoo ay hakad weyn gashay madaafiicda goobta oo la adeegsanayay intii udhaxaysay 02:40 ilaa 3:30 Saacada magaalada Gaalkacyo.

Wararka Gaalkacyo kala soco www.Allpuntland.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...