Saturday 26 December 2009

Gaalkacyo: Wada hadalo la filayay in ay maanta ubilowdaan Puntland & Galmudug oo baaqday….SABABTA…..

26. december 2009
Galkacyo(AllPuntland)- Maanta oo ahayd sabti 26 December 2009, lana filayay in ay bilowdaan wada hadalo ku saabsan xaaladaha magaalada Gaalkacyo, ayaysan suuragalin in ay qabsoomaan wada hadaladaasi oo looga hadli lahaa qodobo badan oo ku wajahan xaaladaha magaalada Gaalkacyo.

Sababaha ay dhici waayeen kulamadan oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa lasheegay in ay tahay dhinacyada Puntland & Galmudug oo qolo kastaa ay meel gaar ah ku lahayd shirk u aadan go’aamada ay ka qaadanayaan xaaladaha ay kula hadlayaan dhinaca kale.

Shir adag oo laga dheereeyey Saxaafada, lana koobay ka qeybgalayaashii ayaa ku qabsoomay xarunta Maamulka gobalka Mudug, iyadoo ay ka qeybgaleen duqa magaalada Gaalkacyo Md, C/rixmaan Max’uud Xaaji Xasan, Gudoomiyaha gobalka Mudug Col. Axmed Cali Salaad, taliyaha ciidamada Booliska ee gobalka Mudug G/sare Axmed C/rixmaan Muuse (Xasaasi), Odayaal, Ganacsatada iyo Culumada Diinta.

Sidoo kale shirkan waxaa si kormeer ah uga soo qeybgalay mudadii uu socdey taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta Puntland Jeneraal Siciid Cabdi Faarax (Tuuta-weyne) , isagoo aan la garan Karin hadalkii uu ka jeediyey madasha wada xaajoodyada, ka dibna wuxuu bilaabay booqashooyin uu ku kala bixiyay Xeryaha ciidamada Daraawiishta iyo qeybo ka mid ah magaalada.

Ilo ku dhow dhow Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta Puntland Jeneraal Siciid Cabdi Faarax (Tuuta-weyne) ayaa sheegay in uu Mr, Tuuta-weyne uyimid xasilinta amaanka magaalada, isla markaasna uu ka qeybqaadanayo dadaalada ku wajahan xaaladaha magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada ee Gaalkacyo ayaa usheegay APL in sababaha uu maanta ubaaqday wada hadalku ay ahayd dhinaca Puntland oo ka tashanayay aayaha magaalada iyo qodobada ay ula tagayaan dhinaca Galmudug.

Shirka mudadii uu socday waxaa lugu soo qaaday waxyaabo ka jira gudaha Puntland, gaar ahaana xaaladaha Gaalkacyo oo inta badan mudooyinkii ugu dambeeyey lasheegayay in aan laysku wanaagsaneyn saraakiisha dawladda oo aysan isku raacsaneyn dagaaladii maalmihii ugu dambeeyey dhacayay.

Qodobo kala gedisan ayaa laga gaaray mudadii uu socdey shirkaasi, wuxuuna soo dhamaaday duhurnimadii maanta, iyadoo ay dhinacyadu ka gaabsadeen in ay ka hadlaan go’aamada ay gaaraan, balse waxa ay sheegeen in ay dhinaca Koonfureed ka dhowrayaan in aan fadhiga loo soo dirin Odayaal iyo Culumo, ee loo baahan yahay in ay soo gogol fariistaan Maamulka Galmudug.

Siyaabo kala duwan ayay dadku ku cabirayaan xaaladaha magaalada Gaalkacyo, siyaasiinta falan qeeyaa xaaladaha Mudug ayaa sheegaya in kulanka berito laga filan karo waxyaabo badan oo lugu wada hadlo, kuwaas oo keeni in nabad ay ka dhacdo magaalada Gaalkacyo.

Dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada ayaa isku dayaya in ay soo dirsadaan dad codkar ah, waxaana dhinacyadu umuuqdaan kuwa hadaladoodu adkaan doonaan maalinimada berito ah, kuwaas oo wajihi doono marxalado adag oo ku saabsan xaaladaha magaalada Gaalkacyo.

Galmudug ayaa lugu eedaynayaa in ay leedahay Masuuliyada 4 weerar oo lugu qaaday Ilaalada dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo, waxaana horay ay dhinacyo 22 xubnood ka kooban ay isku afgaran waayeen waxyaabaha magaalada, gaar ahaana weerarkii lugu qaaday Ilaalada dawladda Hoose 27 & 29 October, ka dibna geystay dhimashada iyo dhaawac kala gedisan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...