Tuesday 22 December 2009

Garowe: Dawladda Puntland oo baaq ka soo saartay dadka ka soo jeeda Koonfur Soomaaliya ee dhibka loogu geystay Puntland.

21. december 2009

APL


Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email

Print This Article | Daabaco warkaan
Garowe(AllPuntland)- Dawladda Puntland ayaa isku raacday qaraar ogolaanaya in talaabo adag laga qaadi cid kasta oo lugu helo in ay doonaysa in ay dhibaato ugeysato dadka usoo qaxay deegaanada Puntland, ee ka soo jeeda Koonfurta dalka Soomaaliya, gaar ahaana gobalada Baay Iyo Bakool ee dalka Soomaaliya.

Xukuumada Puntland ayaa sheegtay in aad uga xun tahay talaabadii lugu dilay qaar ka mid ah dadkaasi, iyadoo Maamulka gobalka Mudug ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan dilalkaasi Maamulka Galmudug ee dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Dawladda dhexe ee Puntland ayaa sheegtay in aad uga wel-welsan tahay in ay dadkaasi ka baxaan Puntland, oo ay ku laabtaan goobo uusan ka jirin wax amaan ah, iyagoo sheegtay in aysan Puntland cidna dhib ugeysan, oo aysan weerar af iyo adin ah aysan midna ku qaadin dadka ka baxay deegaanada Puntland.

Ganacsato badan oo ka soo jeeday Baay & Bakool ayaa ka tagay Puntland, markii dilal loogu geystay deegaanada Puntland, gaar ahaana magaalooyinka Boosaaso & Gaalkacyo, waxa ayna sheegeen in aysan udulqaadan doonin talaabooyinkaas oo ay ku sheegeen kuwa naftooda lugu halis galiyey, qaar kamid ah saaxiibadoodna ay ku waayeen.

Duqa magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa sheegay in ay dadkaasi soo dhaweeyeen oo ay fidiyeen gogol wanaagsam, wuxuuna sheegay in aysan waxba talaabo ah ku laheyn dawladda Puntland waxyaabihii ka dhacayay gudaha deegaanada Puntland, oo ay masuuliyada dilalkii ka dhacay Gaalkacyo lahaayeen dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, oo uu ka dhisan yahay maamulka Galmudug.

C/rixmaan Maxamuud wuxuu ugu baaqay dadkaasi in ay daganaansho xoog leh muujiyaan, oo ay la mid yihiin Shacabka Puntland oo aysan cidna si gaar ah uraadsaneyn, ayagana looga baahan yahay la shaqeynta ciidamada amaanka iyo in ay iska soo dhex saaraan dadka uu sheegay in ay amaan darada gacan siin karaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...