Monday 28 December 2009

Munaasabad lagu soo afjarayey murankii ka taagnaa xilka madaxweynaha maamulka Galmudug oo Muqdisho lagu qabtay iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada Somal

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad balaaran oo lagu soo afjarayey muran iyo khilaaf in muddo ah ka taagnaa xilka madaxweynaha maamulka Galmudug oo labo mas’uul ay wada sheeganayeen, waxaana munaasabadaasi ka soo qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Somalia.

Labada mas’uul ee isku heystay xilka madaxweynaha maamulka Galmudug oo kala ahaa Axmed Shariif Cali Hilowle iyo Maxamed Axmed Caalin ayaa xalinta khilaafkooda oo muddo soo jiitamayey waxaa uu yimid ka dib wadahadalo ay dowlada Somalia uga furtay magaalada Muqdisho oo labada dhinac lagu dhexdhexaadinayey, kaasoo ugu dambeyntii keenay inuu tanaasulo mid ka mid ah labada mas’uul ah oo ah Axmed Shariif Cali Hilowle, iyadoo danjire Maxamed Axmed Caallina uu noqday madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Galmudug.

Labada masuul ayaa kala saxiixday heshiis ay soo diyaarisay dowlada Somalia kaasoo madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug ka dhigaya danjire Maxamed Axmed Caalin.

Lama oga waxaa lagu qanciyey mas’uulka tanaasulay ee Axmed Shariif Cali Hilowle hase ahaatee waxaa uu sheegay mar uu ka hadlayey goobtaasi inuu la shaqeyn doono madaxweynaha loo tanaasulay, isagoo xusay inuu arintaasi uu u sameeyey si meesha looga saaro khilaafka arintaasi ka jiray, shacabka Galmudugna ay u yeeshaan hal hogaan “Waxaan ugu baaqayaa Jaaliyadaha dibeda iyo shacabka Galmudug iney taageeraan Madaxweyne Caalin” ayuu intaa ku daray.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyin iyo siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka macdanta iyo biyaha Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Yuusuf Maxaned Siyaad (Indhacadde) Siyaasiga Maxamed Faarax Jimcaale iyo kuwo kale oo fara badan, iyagoo u mahad celiyey madaxweynaha tanaasulay, hambalyeeyey madaxweynaha loo tanaasulay waxayna ku booriyeen labadoodaba iney ka shaqeeyaan horumarka shacabka Galmudug.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...