Monday 28 December 2009

Munaasabad Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay heshiis nabadeed ku dhex dhigtay beelo Somaliyed oo horey u dagaalamay ayaa lagu qabtay degmada Daynii

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa duleedka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan ay soo qabanqaabiyeen Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo lagu heshiisiinayay beelo walaalo ah wada dega gobolka Banaadir kuwaasoo ay masuuliyinta soo qabanqaabisay kulankaasi sheegeen inay ka heshiinayeen colaad dhex martay labadaasi beelood muddo laga joogo dhowr iyo toban sanadood.

Kulankaasi waxaa hadalka ka jeediyay afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali dheere) oo sheegay in hawlaha ay mujaahidiintu wadaan ay ka mid tahay musaalaxo la dhex dhigo shacabka Muslimka ah, taasina ay tahay hadafka ay Mujaahidiinta si dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah ay si nabad gelyo ah ugu wada noolaadaan.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Waaliga Walaayada Gobolka Banaadir ee xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in la soo afjaro mad-madow iyo colaad u dhexeeyay labadaasi muddo lix iyo toban sano ah, wuxuuna intaasi ku daray inay sii wadi doonaan musaalaxada isla markaana ay heshiis dhex dhigi doonaan beelo kale oo uusan carabaabin.

Odayaal iyo waxgarad ka kala socda beelaha shalay la heshiisiinayay oo kala ahaa Murusade iyo Abgaal ayaa hadallo ay halkaasi ka jeediyeen waxayna u mahad celiyaan masuuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta ee kulanka soo qabanqaabiyay, iyagoo sheegay inay ku qanacsan yihiin natiijada ka soo baxday shirkii nabadeynta ahaa ee loo qabtay ayna garab taagan yihiin Walaalaha Mujaahidiinta.

Nabadoon Xuseen Maxamed Nuur (Xuseen Dheere) oo ku hadlayay magaca Beesha Abgaal iyo Nabadoon Maxamed Cali Faynuus oo ku halayay magaca beesha Murusade ayaa labadaba waxay cadeeyeen sida ay raaliga uga yihiin Heshiiskan, waxaaney dareenkooda farxadeed ku muujiyeen iyagoo gacmaha isqabsaday oo mid walbana beeshiisa ugu baaqay taageeridda heshiiskan iyaga oo tilmaamay in wixii heshuiiskaan ka dhiman loo saaray guddi farsamo.

Beelahan Muddada aadka u dheer ay u dhexeysay colaadda keentay gacanka hadalka oo sida la sheegayna ay ku dhinteen dad aad u fara badan ayaa waxay kala yihiin Murusade iyo Abgaal, iyadoo aagga ay ku dagaallameen ee iminka lagu soo afmeeray colaadooduna ay aheyd degaanno ka tirsan degmada dayniile ee Gobolka Banaadir, waxaaney sheegayaan wararka colaaddaasi ku saabsan iney soo billaabantay Xilligii ay Hoggaamiye kooxeedyadu ka talin jireen magaalada Muqdisho.

Xurfgufta u dhexeyasay labadan Beelood ayaa waxaa jirtay in dhowr jeer oo hore laysku dayay in arrimaha u dhexeeya Beelahaasi La dhameeyo hase ahaatee ma noqon kuwo u suurta gala sida ay shalay u dhacday, iyadoo sida ay ku warameen qaar ka mid ah Odayaasha labada Dhinacba aaney jirin wixii hadda ka horreeyay dad sidan oo kale u lafa-gura xaaladaha iyo dhibaatooyinka ay kala tirsanayeen labadan beelood oo colaaddoodu ay gaartay meel aad u adag.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...