Saturday 19 December 2009

ninkii is qarxiyey

Waxaa soo baxaya warar dheeraada iyo sawiro cadeeynaya in wiilkii Reer Danmark ee la yiri qarixii buu ku lug lahaa uu san warku sida loo sheegayo aheyn, uusana wiilkaan wax qarxa iyo shuko toona uusan wadan daawo sawirka hoose



Muqdisho(Puntlandi.com)ninkii qaraxa Hotel shaamow ka dambeeyey wuxuu watey baa la yiri Shukada haweenka waxuuna hoosta ku watey waxyaabaha qarxa,hadaba wiilkii sawirkiisa loo soo bandhigey saxaafada oo la sheegey inuu ahaa kii qaraxa fuliyey ayaa la heley sawir cadeynaya inuusan lug ku laheyn qaraxa ee uu ka mid ahaa dadkii martida ahaa ee fadhiyey xafladaan qalin jabinta. sida aad ku aragtaan sawirka wuxuu u fadhiyaa sidii qof caadiya oo kamid ah dhalinyarada meesha isugu timid.

Ma uu wato shuko , bal u fiirso sawirka ,shaarka uu qabo,habka uu u fadhiyo sidee kula tahey




Fiiro gaara:- Anoo ku hadlaya magaca PUNTLANDI.COM waan dareemikarnaa dhibatada sawirkaan soo saaristiisu leedahey hadey ahaan laheyd qoyskii wiilka iyo mid diin ba balse waxaan go´aan saney inaan soo bandhigno si aan bulshada u tusno in wax yaabaha la sheegayo ay runta ka fogyihiin oo wiilkaan sidii lagu sheegey uusan aheyn saan sawirka ka aragno.





admin on December 16 2009 11:23:46 · 10 Comments ·
Comments
#1 | cali xasan on December 16 2009 13:49:16
waa la yaab runtii in ninka aanu shuko wadan laakiin su'asha taagan ayaa ah maxaa kaligiis Caloosha ka jarjaray illaa Feeraha oo loo waayay hilibkiisa iyo lugihiisa

Adeer riwaayada aan dayno waa dinbiilihii Umada laayay!!!!!!!
#2 | cabaas on December 16 2009 14:11:21
bismilaahi raxmaani raxiim. muqdisho waxaa kajiro musuqmaasuqa ugu balaaran adduunka. waxaa sidoo kale kajiro dagaal aad udaran oo ay hogaaminayaan dad shisheeye ah oo kusoo duulay somalia, sidaas darteed waa meel laga filayo BEEN, LABA WAJIILANIMO iyo SHIRQOOL. laakiin waxaa isweediin mudan suaasha ah: maxaa marxuumkan isaga geeyey koonfur somalia iyo muqdishow isaga oo og in meeshu tahay furin ay dagaalo kasocdaan kuna nool dal kamid ah dalalka ugu nabadgalyada badan dunidan aan kunoolnahay sidoo kale kunoolaan karay puntland haddii xitaa uu rabay in uu kunoolaado somalia? ilaah baa og in uu geestay qaraxa laakiin aniga waxaan aamin sanahay in uu ahaa ARGAGIXISO.
#3 | dulmi diid on December 16 2009 14:15:04
anigu horaan u iri wiilakan qarax wayn geestay oo hadana qeebtiisii sare ay fiyow dahay in uu caqliga saliim ka ah qaadan karin Marka way is ka cadahay qaraxaan in la soo abaabulay Mana ka fogay dwoalda xamar ka dhisan waaan wax laga xumaado saxaafada somaliya in ay noqotay sidii goob shaxa lagu cabo waayo sawirka wiilkan miskiinka way ku dag dageen in ay si naxaariis daro ah ugu soo bandhigaan oo caalamka oo idil laga daawado
waxaad aad iyo aad igu beer jilcayaa waridkisa iyo walalihis iyo waliba gabadhii xaaskiisa ahayd oo Mar waliba ay interneate ka galaan ku arkaya wiil kooodiii oo qeebi maqantahay website waliba ku jira marka waxaan idin leeyahhay saxaafadeey wiilku marka hore waa muslim marka labadna waa somali waana uu dhintay ee ka daaya sawirka naxdinta leh ee aad ku soo cel celineesan mar hadii shaki ween ku jiro in uu asagii ahaa qof ka is qarxiyey waayo dad baa la dhashay oo uu ka dhashay adiguba walaalkaa meed kiisa ama waaridkaa oo waliba si xun u dhintay in sawirkiisa la gu soo bandhigo saxaafada ma yeesheen.

mahad sanidiin
#4 | Faadumo Xasan on December 16 2009 14:58:10
Asc wr wb ha ku dambaabine marxuumka waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa martidii madasha fadhiday haduu is qarxiyay cadba lagama heleen jirkiisa ee rabigiin ka yaaba ee joojiya beenta aad xugminaysaan
#5 | Hawa on December 16 2009 15:06:53
assalaamu calykum dhamaantii dadka soomaliyeedow .
bal daya been abuurka weyn ee aan xishoodka lahay oo dowlada shariif is ticmaasho maalin walba. waxaa xaqiiqo ah . in dowladu ayadu ka danbaysay. shariifkuna waa tuug tuugo ka soo haray
#6 | zakariye on December 16 2009 21:13:29
as awr abr macquul in uu yahya qofka is qar xiyay sabab too ah tariikhda wiilkan ayaa caday nayso in uu isaga yahay danmerk qof ka tagay kuna nolaa marka hotelkana tagay dabcan wa dareemi kartaa isaga in u yahay wa sida ay aniga ilatahay awaysa qofka mesha ku marti qaay xata hadu qaraxa ku dhintay asbabta kale ee wilkaas taqanay aya shegi laheed ninkaan shuko yusna wadan ama ha wati isaga aya ka dna beeyay
#7 | xinbil gadran city on December 17 2009 02:53:01
wallaalayaal alle ha laga cabsado madkaana yaan lagudanbaabin cidii kadanbaysay qaraxaan lagu laayay dad aan waxba galabsan illaahay ayaa ka abaal marindoonee maalita qayaamaha wallalayaal markaan saas leeyahay maaha inaan difaacaayo ninka laakiin malaha waa danbi haduu yahay isagana allaa ka abaal marin doona maali aan wax ba qarsoomikarin
#8 | cabdi nuur axmed amakak on December 17 2009 13:47:17
allaha u naxriisto dhammaan dadkii soomaliyeed ee ku grriyooday qaraxaas iallahayna ha cadaabo wixii gaystay. waxaanse anigu ka xumahay in ay dadka soomaaliyeed ee adduunka kula nool dhamaantood galisay dabiyo badan kadib markii ay qof aan lahubin inuu dhibkan gaystay warikiisa soo galiyeen shaashada sawirada iyagoo leh waa isaga qofka qaraxa gaystay waa tabardarrada soomaalida inay iyagu dhedooda mar wal istuhmaan ama dhahaan reer hebel ayaa waxaas kadambeeyay ee aysan marnaba isku dayaynin inay xaqiiqada raadiyaan illaahay waxaan kabaryahayaa inuu soomaalida dhibkan kasaaro
#9 | Cabdi Saciid on December 18 2009 12:20:51
Aslaam calaykuma dhamaantiin-
igu horeyn allaha u naxariisto dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyoodey qaraxii hotelka ka dhacay Muqadisho. waan u jeednaa yarkaan in uu waxba geeysan, ay isku dhibaatadu ku dhacday. waxaa jiray dumar Soomaaliyeed aygana qarax wax lagy yeelay aygoo howal nadafadeed Wadanka u haya. Soomaalidna Waligeed wax ma garto weeye wixii la rabo baa lpoo sheega. ninkii hebel ahaa wuu saxsanaa.
Shacabka Soomaaliyeed Doorkooda Ma yaqaaniin. Aniga waxaa iga Talo ah Ninka Madaxwenaha isku sheegaya ee Shariif iyo Odeyga shaadaanka ag ee Daahir Aweys in maxkamada la soo Taago Sabtoo ah waa nimankii dhibatadaan is qaraxska Keenay.
Waa mahadsantihiin.
#10 | Hawa on December 19 2009 18:51:59
Adbaan uga xumahay marxuunka denbig uusan lahayn dush laga saaray.Wajiisa nuurayaa waa mid ka fog denbi diliin,Jano Ale ha geeyo kuwii lu danbaabey ee iyagu wax xasuuqay awalan xasuuqu wax ugu fadhiya Alle ha ka jaaseeyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...