Saturday 30 January 2010

dagaal Khasaara dhaliyay oo ka dhacay Duleedka B/xaawo Gobalka Gedo.

Dagaallo culus ayaa Xalay Gobalada Jubada Hoose iyo Gedo ku dhaxmaray Al Shabaab iyo kooxa hubaysan oo la sheegay in ay Mucaaradsanyihiin maamulada Al Shabaab ee koonfurta Somalia.

Kooxaha Hubaysan ayaa Xalay Fiidkii weerar ku asqeeyay Fariisin ay Ciidamada Al Shabaab ku lahaayeen Duleedka degmada B/xaawo Gobalka Gedo waxaana ka dhashay khasaara shacabka soo gaaray.

Wararka B/xaawo ka imaanaya waxay sheegayaan in Nin Rayid ah uu geeriyooday dad kalane uu dhaawac soo gaaray kadib markii kooxihii weerarka soo qaaday raas is dhaafsadeen kuwii kale ee B/xaawo joogay.

Qofka Geeriyooday ayaa ahaa Nin Darawal ka ahaa gaari xamuul ah oo kayimid magaalada Muqdisho kunasii jeeday magaalada Mandheere ee Gudaha Somalida Kenya.

Nin lagu magacaabo Sheekh Ismaaciil oo sheegay in uu yahay Afhayeenka Ahlusuna gobalka Gedo ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkaas isagoo lahadlayay Idaacadda Shabelle ee Maxaliga ah ayuu yiri “Ciidankeena ayaa weerarka qaaday wuxuu ahaa mid Arbushaad ah oo aan ku doonaynay in aan shacabka tusino awood yarida Kooxda Shabaab”.

Shacabka B/xaawo ayaa la argagaxay rasaastii xooganeed oo ay is dhaafsanayeen labada dhinac waxaana jirta cabsi xoogan oo ay shacabku ka muujinayaan dagaallo kale oo halkaasi ka dhaca

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...