Wednesday 27 January 2010

Dagaaladii Warxoollo oo soo dhamaaday iyo Dhinacyada oo Guulo kala sheegtay.

Waxaa Duhurnimadii Maanta soo gaba gaboobay dagaaladii cuslaa ee saaka ka qarxay Tula Warxoolo Gobalka G/gaduud bartamaha dalka Somalia.

Wararka nagasoo gaaraya Warxoollo ayaa xaqiijinaya in dagaalkii saaka uu soo dhamaaday islamarkaana Khasaara aad u xoogan uu kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay ee Ururka Ahlusuna iyo Al Shabaab.

Dadka ku sugan Tuulada Warxoollo ayaa soo sheegay in dhinac kamid ha dhinacyadii soo weeraray Warxoollo uu dib uga gurtay Tuuladaasi xaaladuna ay tahay mid degan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Ahlusuna ay dib ugu laabteen degmada Guriceel Gobalkaasi G/gaduud kadib markii ay galeen dagaal faraha looga gubtay.

qof ku sugan Goonlle Goonlle oo u dhexeeya Guri Ceel iyo Warxoolla ayaa Saxaafadda u xaqiijiyay in Ciidankii saaka weeraray Warxoolle ay u dhaafeen dhanka Guriceel.

Dadka reer miyiga ah ayaa bilaabay in ay u Biya doontaan Ceelka Warxoolla oo saaka xirmay kadib dagaalo qaraar oo ka dhacayay hareeraha tuuladaasi.

dhinacyadii dagaalamay ayaa sidoo kale guullo ka kala sheegtay dagaalka, Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere oo Saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in Xoogagoodu ay iska difaaceen weerar ay Ahlusuna kusoo qaaday.

Sidoo kale Afhayeenka Ahlusuna Yuusuf Al qaadi ayaa sheegay in dhankoodu ay guulo gaareen balse ay dib ka faah faahin doonaan.

Dagaaladan soo laa laabtay ee ka dhacaya Tuulooyinka iyo degmooyinka Gobalka G/gaduud ayaa caqab ku ah Nolosha dadka Reer Miyiga a

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...