Saturday 30 January 2010

Editorial: Maxaa u Hirgalay DKMG Mudadii Sanadka ee ay Jirtay?

Muqdisho, (RBC Radio) Maalintii shaley [29-Jan-2010] waxaa dowlada ku meel gaarka ee Soomaaliya ay u dabaal degtay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay doorashadii dalka Djibouti ee madaxweynaha ku meel gaarka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxda dowlada ayaa munaasabadan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa ka soo jeediyey khudbado ay kaga hadleen marxaladiui ay dowladu soo martay mudadii 12-ka bilood ahayd ee ay dowladan xilka heysay.

Hadaba waxaan qormadan ku eegeynaa waxqaadkii dowlada ee sanadkii tagay iyo caqabadihii ay la kulantay.

Bishii December, 2009 ayaa xubnihii barlamanka dowlada federaalka oo ka koonaa 275 xildhibaan loogu yeeray inay isugu tagaan dalka Djibouti si halkaasi loogu qabto shir looga arinsanayo hogaanka dowlada.

Shirkaasi waxaa uu ka dambeeyey ka dib markii uu 29-Dec-2009 iscasilay madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed oo ay soo wajaheen qalaanqal siyaasadeed oo gudaha iyo dibada ah.

Iscasilaadii C/laahi Yuusuf waxay dardargelisay qorshihii Qaramada Midoobay hormuudka ka ahayd ee la isugu keenay dowlada iyo ururkii mucaaradka ee Isbahaysiga Dib u Xoreynta, kaasi oo isaguna labo garab u sii kala jabay.

Bilawgii bihii January 2009 ayaa lagu guuleystey in markii ugu horeysay la soo xulo xubno barlaman oo gaaraya 275 xildhibaan oo kale, kuwaasi oo barlamankii jiray ee dowlada ka dhigay 550 xildhibaan.

Barlamankaasi oo ahaa kii ugu badnaa ee abid taariikhda Soomaaliya soo mara waxaa uu ka koobnaa 275 ay horey u lahayd dowladii jirtay iyo 275 xildhibaan oo ay keensadeen ururkii Isbahaysiga oo uu hogaanka u hayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markaasi ka soo xuubsiibtay ururkii maxkamadaha ee dagaalka kula jiray dowlada iyo ciidankii Ethiopia ee xilligaasi dalka joogay. 30-Jan-2009 ayaa xilka madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ee Soomaaliya waxaa loo doortay Sheekh Sheekh Axmed oo ahaa gudoomiyihii Isbahaysiga Dib u Xoreynta.

Waxaa doorashada kula tartantay in ka badan 10 musharax oo qaarkood xilal hore soo qabteen, waxaana habeenkaasi loo dabaldegey madaxweyne cusub oo ay yeelatey dowlada Soomaaliya.

Dad badan oo ku sugnaa gudaha dalka iyo dibada ayaa dareemay isbedel xoogan iyo rajo hor leh oo ay ka muujiyeen xaalada dhibaateysan ee Soomaaliya ka dib doorashada madaxweyne Sheekh Shariif.

Waxaana Soomaalida badankeed ay iska dhaadhicisay dareen yididiilo leh oo runtii ku beermay kumanaan Soomaali ah oo dhibaatadu ay ku heysay gudaha iyo dibada iyagoo filayey in sanadka 2009 uu noqon doono midkii ay Soomaaliya heli lahayd nabad iyo xasilooni, waxaana sabatu ay ahayd dhowrkan arimood:

1- Iyadoo xilkii madaxweynaha uu qabtay hogaamiye ka soo jeeda kooxihii Islaamiyiinta ee mucaaradka ahaa, kuwaasi oo horey n badan u sheegay inay u dagaalamayaan difaaca iyo sharafta dalka.

2- Waxaa taagero buuxda muujiyey beesha caalamka oo ay hormuud u ahayd Qaramada Midoobay isla markaana dhaqaale ku bixisay shirka lagu doortay Sheekh Shariif.
3- Xubnihii hore ee dowlada ku meel gaarka oo caalamku ku tilmaamay inay lugta jiidayeen nabada Soomaaliya oo masraxa ka baxay.

4- Kooxaha dagaalka ka wada Soomaaliya oo ahaa xogagii maxkamada hubeysnaa isla markaana gacanta ku hayey inta badan gobolada bartamaha iyo koonfurta dalka, loona maleynayey inay si fudud u taageeri doonaan dowlada.

5- Iyo iyadoo Soomaalida dalka ku nooleyd ay u muuqaneysay kuwo ka daalay dagaalka, rabitaan buuxana u haya nabad iyo xasilooni. Arimahan oo dhan waxay xaqiiqo u sawireen riyadii bulshada Soomaalida min siyaasi iyo shacab, waxaana xaaladu noqotay in laga wada war dhowro sida ay hawsha u wajahdo dowlada cusub.

Bixitaankii Ciidanka Ethiopia

Bishii January 15-keeda 2009 ayaa ciidankii Ethiopia ee dalka joogay ku dhawaaqeen inay ka bexeen guud ahaan geyiga Soomaaliya, iyagoo ciidamadii ugu horeeyey ka soo qaatay caasimada Muqdisho.

Bixintaanka ciidankii Ethiopia oo mudolabo sano ah ka dagaalamayey gudaha Soomaaliya, waxay ku timid heshiiskii Djibouti ee dhexmarwey dowlada iyo mucaaradkii Isbahaysiga Dib u Xoreynta, waxaana markaasi loo arkay tallaabadii koowaad ee mirihii heshiiskii Djibouti.

Dhismihii Golaha Wasiirada iyo U soo Guuriidii Dalka

Bishii February 2009 ayaa madaxweynihii la doortay ee Soomaaliya Sheekh Shariif magacaabay raisul wasaaraha xukuumada kaasi oo loo magacaabay Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma’rke oo ahaa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma’rke.

Waxaa raisul wasaaruhu soo dhisay gole wasiiro ooo ka kooban 36 wasaaradood.

Waxay tani culeyska ku sii kordhisay dareenkii rajada lahaa ee ay Soomaalidu dareentay, iyadoo dadkuna sii xoojiyeen niyada wanaagsan ee ay filayeen.

Dhamaadkii February 2009 ayey dowladu ku dhawaaqday inay dib ugu soo guurtay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada halkaasi oo ay soo gaareen xubnihii ugu horeeyey ee madaxda dowlada cusub.

Mucaaradka oo Waji Kale yeeshay

Kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeday dowladii ka horeysay ee madaxweyne C/laahi Yuusuf ayay markiiba ka dhex muuqatey kala qeybsanaan ku wajahan aragtida dowladan cusub.

- Ururkii maxkamada, gaar ahaan kuwii Muqdisho joogay oo magac ahaan midka ay ku dagaalamaan kooxaha iska caabinta oo xilligaas dagaal kula jiray ciidanka Ethiopia waxay muujiyeen inay raacsan yihiin dowlada, marka laga reebo Al Shabaab oo xilligaasi ahayd garabka dhalinyarada hubeysan ee Maxkamadaha.

- Kooxda Shabaab waxay si cad ugu dhawaaqday inay la dagaalameyso dowlada cusub, iyagoo sheegay inaysan waxba uga duwaneyn dowladii ka horeysay ee ay dagaalka ku hayeen.

Dib uu soo laabashadii Xasan Dahir

Bishii march 2009 ayaa markii ugu horeysay mudo labo sano ah ka dib waxaa garoonka diyaaradaha ee KM-50 ka soo degay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo mudo labo sano ah ku sugnaa dalka Eritrea.

Soo noqoshada Xasan Daahir waxay dadka badankiis u fasireen sida ay hadda tahay si ka duwan, waayo hadalheynta waqtigaasi aya ahayd in wada hadal uu dhexmari doono Sheekh Aweys iyo saaxiibkiis Sheekh Shariif oo markaasi noqday madaxweynaha Soomaaliya.

Bartamihii April 2009 waxaa kooxo uu hogaaminayey Xasan Daahir ku dhawaaqeen ururka Xisbul Islaam, iyadoo raga xubnaha ka ahaa badankood ahaayeen raggii hore loogu ysqiinay ururkii Maxkamadaha oo si weyn ay isugu dhowaayeen Sheekh Shariif.

Xisbul Islam waxay ku dhawaaqday dagaal aan laga fiirsan oo ay ku qaadi doonto dowlada kaasi oo qarxay isla bishii Aprill.

Inkastoo odayaal iyo culimo badan qaadeen dadaal weyn oo lagu joojinayo dagaal hor leh haddana taasi uma cuntamin kooxaha mucaaradka oo wax kasta ku soo koobay “waan dagaalameynaa”.

Midowga Europe oo Dhaqaale u balanqaaday dowlada

Bishii Aprill 2009 Midowga Europe ayaa dhaqaale gaaraya $250 million ugu yaboohay dowlada Soomaaliya ka dib shir ay madaxda Soomaalida ka qeybgaleen uu ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium.

Dhaqaalahaasi waxaa uu ahaa midkii ugu horeeyey uguna badnaa ee la siiyo dowlada cusub ee Sheekh Shariif.

Indha Cadde oo Dowlada raacay

Bishii May 10-keeda 2009 waxaa dowlada ku meel gaarka ay ku guuleysatay in Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo ka mid ah raga ugu cuslaa ururka Xisbul Islaam ay dowlada ku soo biiriso, isagoo wada hadal ka dibna loo magacaabay wasiiru dowlaha gaashaandhiga (xilkaasi oo illaa hadda uu hayo).

May 21-keedii 2009 ayaa ururka Al Shabaab ku dhawaaqay afhayeen cusub oo aan horey saxaafada looga aqoon Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Waxaana uu bedelay afhayeenkii hore Sheekh Mukhtaar Roobow (Abu Mansur).

Al Shabaab waxaa intaa u dheeraa inay sameysatey magic cusub oo ay sheegeen in hadda ka dib loogu yeeri doono kaasi oo u qornaa sidan:

“XARAKADA MUJAAHIDIINTA AL SHABAAB”.

Dad badan oo Soomaali ah waxaa markan u cadaatay in nabadii la filayey aysan soo socon mar haddii Al Shabaan magacii bedelatey, afhayeen cusubna sameysatey.

Bishii May 2009 ayaa Muqdisho oo daaraheedii burburka madaafiicda horey u baab’iyeen markale daawatay dagaal hor leh, kaasi oo caasimada wada saameeyey.

Barakac, dhimasho iyo dhaawac aan la qiyaasi Karin lagun tilmaamay kuwii ugu darnaa ee caasimada ka dhaca ayaa markale shacabku wada dareemay, waxaana sii buuxsamay xeryihii qoxootiga ee ka sameysmay duleedyada Muqdisho, taasi oo wax xoogaa nuxuus ka dhigtay rajadii dadka.

Dilkii Wasiirkii Amniga

Maalintii Khamiista, 18-kii June 2009 ayaa magaalada Beledweyne qarax ka dhacay lagu dilay wasiirkii amniga dowlada ku meel gaarka xilli uu magaalada u tagay arimaha maamulka dowlada.

Qaraxa Cumar Xaashi oo ahaa miino waxaa sidoo kale ku dhintay safiirkii dowlada Soomaaliya ee Ethiopia C/kariin Faarax Laqanyo, odayaal, waxgarad iyo shacab reer Beledweyne ah.

Dilka Cumar Xaashi wuxuu ahaa dharbaaxo xoogan oo ku dhacday dowlada Sheekh Shariif waayo waxaa uu ahaa shakhsi si weyn ugu firfircoonaa dhinaca dowlada aadna ugu dhowaa madaxweynaha. Labo maalmood ka dib ayaa afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamud Raage waxaa uu saxaafada ka sheegay in dilka Cumar Xaashi iyaga ka dambeeyeen.

Degaano badan oo gacanta dowlada ka baxay

Intii u dhexeysan bilihii July illaa October 2009 waxaa si is daba joog ah magaalada Muqdisho uga socday dagaalo joogto noqday oo u dhexeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa mucaaradka, waxaana dagaaladan ay sababeen in magaalada Muqdisho ay kala xiranto iyadoo ay badatey barakaca dadka rayidka ee magaalada isaga baxay.

Waxaa dowlada gacanteeda ka baxay inta badan degmooyinka caasimada ee maamulkeeda ka shaqeynayey iyadoo weeraro joogto noqday lagu khaarajiyey xubno masuuliyiin ah oo ka tirsanaa maamulada degmooyinka ee dowlada. Waxaa sidoo kale ay dowladu weysay gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo maamulo iyada raacsan ay ka talinayeen.

Safarkii madaxweynaha ee USA

Bishii October 2009, madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdaan xubno ka mid ah golaha wasiirada ayaa socdaal dheer ku tagay dalka Mareykanka.

Socdaalkaasi oo qaatay saddex toddobaad waxaa wafdiga madaxweynuhu kulamo la qaateen madaxda dowlada Mareykanka iyagoo socdaal ku tagay gobolo ka mid ah Mareykanka oo ay kulamo kula qaateen jaaliyada Soomaalida.

Waxaana meelaha ay tageen ka mid ahaa Washington DC, Minnesota, Ohio iyo Chicago.

Ujeedada safarkaasi madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku mareen gobolada Mareykanka ee Soomaalidu ku nooshahay ayaa ahayd labo qodob:

1- In Soomaalida Mareykanka iyo qurbe joogta kale ee Europe ku nool laga dhaadhiciyo taageerada dowlada.

2- Iyo in laga hortago dhalinyarada Soomaalida ee dibad jooga ah oo la sheegay inay soo duufsadaan kooxaha mucaaradka ka dibna qaraxyo ka geystaan gudaha dalka.

Heshiisyadii baddaha ee Kenya iyo Yemen

Bishii November 2009 waxay dowlada Soomaaliya sheegtay inay heshiis dhinaca badda ah la gashay dowlada Yemen, waxaana ka horeeyey in bishii Aprill magaalada Nairobi lagu saxiixay heshiis kale oo qeexaya xuduuda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Heshiiskan Kenya iyo Soomaaliya oo uu Soomaaliya u saxiixay wasiirka Iskaashiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame waxaa uu dowlada ku noqday laf dhuun gashay iyadoo shaki badana uu hareeyey micnaha heshiiskan iyo danta laga lahaa.

Inkastoo madaxda dowlada ay beeniyeen in wax khalad ah ay sameeyeen haddana waxaa weli la rumeysan yahay in dowlada Soomaaliya lagu khiyaameeyey heshiiska dhinaca badda oo sida muuqata Kenya ku daneysaneysay.

Qaraxii hotel Shaamo iyo Wasiiro ku dhintay

3-dii December 2009 waxaa dowlada ku meel gaarka ah ay la kulantay murugadii ugu darneyd ee soo marta mudada 12-ka bilood ee ay jirtay, waxaana maalintaas qarax ka dhacay hotelka Shaamo ee magaalada Muqdisho lagu dilay saddex wasiir oo ka tirsanaa dowlada iyadoo mid afraadna uu dhaawac halis ah soo gaaray.

Waxaa qaraxaasi oo qof ismiidaamiyey uu fuliyey ku dhintay:

1- Ibraahim Xasan Caddow: oo ahaa wasiirkii tacliinta sare ee dowlada, waxaa uu wasiirku ka soo galay dowlada dhinaca ururkii isbahaysiga ee asalkiisu ka yimid ururkii Maxkamadaha.

2- Axmed C/laahi Waayeel: oo ahaa wasiirkii waxbarashada, isla markaana ka soo galay dhinaca isbahaysiga dib u xoreynta.

3- Qamar Aadam Cali: oo ahayd wasiiradii caafimaadka. Qamar waxay ka tirsaneyd dowladii hore ee C/laahi Yuusuf.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Suleymaan Colaad Rooble oo ahaa wasiirkii Sportiga iyo Dhalinyarada (waxaa dhaawaciisa illaa hadda lagu daweynayaa Sacuudi Carabiya).

Geerida saddexdan wasiir ayaa noqotay jab culus oo soo gaaray hawshii dowlada maadaama ay saddexdooduba ahaayeen xubno firfircoon oo ka tirsan golaha wasiirada.

Si kastaba sanad ka dib waxay dowlada Soomaalida hadda fileysaa in sanadkan cusub ee 2010 ay horumar ka sameyn doonto dhinaca amniga oo ah caqabada ugu weyn ee hortaalla dowlada madaxweyne Sheekh Shariif, sida ay dhowr jeer ku celceliyeen masuuliyiinta dowlada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...