Sunday 24 January 2010

Gaalkacyo: Ma dhabaa in Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo Xubno sar sare oo ka tirsan Ahlu Suna ay soo gaareen magaalada Gaalkacyo, markii


24. januar 2010

Gaalkacyo(AllPuntland)- Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya iyo Golaha Xukuumada ee KMG ah oo uu hogaaminayay Wasiirka amniga ee dawladda C/laahi Maxamed Cali ayaa soo gaaray gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, markii laga qabsaday gobalka Hiiraan oo ay maalmihii ugu dambeeyey uga jireen difaacyo dagaal.

Wasiirka arrimaha Amniga, Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale oo aad looga yaqaano magaalada Baladweyne ayaa soo gaaray Gaalkacyo saacadihii lasoo dhaafay, waxa ayna uga soo baxeen gobalada Dhexe, markii ay dhinacyada diidan Siyaasadaha dawladda KMG ah iyo dhinacyada taageera ay awood kula wareegeen magaalada Baladweyne, isla markaasna ay ciidan awood badan duldhigeen gudaha gobalka Hiiraan.

Shaqsiyaadkan oo ka gaabsaday in ay ka hadlaan socdaalkooda Gaalkacyo, ayay APL waqti dheer ku bixisay sidii ay wax badan uga ogaan lahayd arrimaha ku wajahan ujeedada socdaalkooda, mid ka mid ah xubnaha oo ka gaabsaday adeegsiga Magacisa, ayaa sheegay in ay uga soo baxeen gobalka Hiiraan, awoodaha faraha badan ee la geeyey ee ka yimid mucaaradyada dawladda iyo dhinacyada ay wada socdeen oo aan difaaci Karin dagaalo baahsan oo lugu soo qaado.

Warar hoose oo laga helayo xubnahan ayaa xaqiijinaya in uu ku jiro Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo mudo dheer waday howl uu ku doonaayey in uu markale gudoomiye gobal kaga noqdo gobalka Hiiraan, inkastoo ay taasi ka biyo diideen dhinacyada mucaaradka ah oo dagaal adag ku qabsaday magaalada.

Dhinacyo badan oo ku bahoobay dagaaladii gobalka Hiiraan, ee looga soo horjeeday Xisbul Islaam, ayaa la rumeysan yahay in ay ku fashilmeen sii wadida dagaaladaasi, markii ay awood badan keeneen gobalkaas Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo aad uga soo horjeeda dhinacyadan.

Warar ka soo baxaya goobaha ay maamulayaan Ahlu Suna Waljameecah ayaa sheegaya in meelahaas qaarkood lugu xiray shaqsiyaad ay ku eedeeyeen Ahlu Suna in ay masuul ka yihiin qabsashadii magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, balse isku dayo badan oo ay APL isku dayday in aysan suuragalin, markii ay Ahlu Suna ka gaabsadeen arrimahaasi.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...