Monday 18 January 2010

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Mucaaraday Lacagta Cusub ee dhawaan lasoo daabacayo.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Mucaaraday Lacagta Cusub ee dhawaan lasoo daabacayo.

Guddiga Ganacsatada Gobalka Banaadir ayaa Cambaareeyay Dadaalada ay Dowladda Federaalka KMG Somalia ku doonayso in ay ku samaysato Lacago Shilin Somali cusub ah.

Gudoomiyaha Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho Cali Maxamed Siyaad Cali Dheere ayaa sheegay inaysan qaadan doonin lacaga shilin Somali cusub ah oo ay dowladu samaysan doonto.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho waxay uga digeen dowlada KMG ah in ay suuqyada magaalada soo geliso lacago cusub oo ay sheegeen in ay sababi karaan Sicir barar saameeya gobalada dalka Somalia.

“Ganacsatada Muqdisho ma aqbali karaan in xiligan dowladu lacago cusub soo daabacato iyadoo dhibaatooyin ka jiraan dalka, hadii ay dowladu la wareegto gobalada dalka Somalia waan ka aqbalaynaa lacag cusub”ayuu yiri Cali Dheere.

Dowladda KMG ah Wasaaradeeda Maaliyadda ayaa dhawaan sheegtay in ay Lacag cusub kusoo daabici doonto magaalada Kharduumka wadanka Sudan waxaana arrinkaasi Mucaaraday Xildhibaano iyo Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee Dadka Soomaaliyeed ayaa ka war sugaya Lacagta ay soo daabici doonto dowlada KMG ah ee Somalia oo aan la ogayn waxa ay soo kordhin karto.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...