Monday 18 January 2010

Golaha Wasiirada oo Qalinka ku duugan in Lacag cusub loo sameeyo Somalia.

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ayaa maanta Ansaxiyay lacago cusub oo ay soo daabaceyso Dowlada Fderaalka KMG ah Xilli Diidamo kulul ay Shacabku ka muujinayaan Lacagaha cusub ee lasoo daabici doono.

Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ayeey ku ansixiyeen in lacago cusub oo shillin Soomaali ah ay dowladu Soo sameeyso.

Kulankan maanta oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid ayey Wasiiradu isku raaceeen in lasoo daabaco lacago cusub oo lagu badelo Kunka shillin Somaliga ah.

Wakiilka Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/qaadir Wilaayo ayaa sheegay in Ansixinta Wasiirada ee soo daabicida lacagah cusub loogu gol leeyahay sidii loo yareeyn lahaa Sicir Bararka baahsan ee dalka Soomaaliya kajira Isagoona tilmaamay in lacagtan cusub ay Waxbadan ka bedelantahay kunka Shillin ee haatan la isticmaalo.

Isagoona intaasi kudaray in dhawaan Xukuumadu ay Magacaabi doonto guddi baaritaan ku sameeya sida ugu fudud ee lacagtaasi loo soo Daabici karo islamarkaana dhaqan geliya oo faafiya lacagta cusub oo ay dowladu rabto in ay dalka Keento.

Arrintan lacagta cusub ayaa khilaaf ka dhex dhalisay madaxda Dowlada oo qaar kamid ah ay dhaliileen in Dowladu haatan ay kumashquusho daabicida lacago cusub iyadoo dhaqaallo la’aan ay xukuumada haysato.

Ansixinta Wasiirada ee soo Daabicida lacagta cusub ayaa imaaneysa xilli Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ay sheegeen in aysan raali ka aheyn lacag cusub oo Dalka lakeeno islamarkaana aysan socodsiin doonin lacagahaasi.

Bashiir Ciise Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia ayaa isna diidan in xiligan lasoo daabaco lacago cusub isagoona ka digay in dowladu Talaabtaasi qaadato.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...