Friday 15 January 2010

Guriceel: “ Wax kasta oo aan qabano waxa ay la mid yihiin wax ay qabatay dawladda KMG ah” Afhayeenka Ahlu Suna Waljameecah.

13. januar 2010
Guriceel(AllPuntland)- Ahlu Suna Waljameecah ayaa cadaysay in ay howlgalada ay qaadayso ay yihiin kuwa ay ku tageersan tahay dawladda KMG ah ee Soomaaliya, oo ka talisa oo kaliya Wadooyin kooban oo kuyaala jidadka caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

Afhayeenka Ahlu Suna oo ka hadlayay Shir jaraa’id ayaa sheegay in dagaalada ay wadaan dhinacoodu ay yihiin kuwa ay kaga mid yihiin dawladda KMG ah ee Soomaaliya,isagoo tibaaxay in ay Ahlu Suna ka mid tahay dawladda Soomaaliya.

Sheekh C/laahi C/rixmaan Abu Yuusuf wuxuu tilmaamay in aysan Ahlu Suna aheyn urur gaar ah, balse ay ka mid yihiin dawladda Soomaaliya, talaabooyinka ama dagaalada ay wadaana ay yihiin kuwa ay kaga tirsan yihiin dawladda Shariif Sheekh Axmed.

“ Talaabo kasta iyo Taako kasta oo ay qaadaan Ahlu Suna Waljameecah waa taako iyo talaabo ay qaaday dawladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana ay tahay mid sharaf iyo Midnimo Soomaaliyeed, ay ugu soo hoyotay dawladda KMG ah ee Soomaaliyeed” Ayuu yiri Afhayeenka Ahlu Suna oo ka hadlayay gudaha magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

Ahlu Suna ayaa horay dhexdeeda iskugu qabatay heshiis ay lagashay sannadkii hore dawladda KMG ah ee Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyntii ay sheegeen in ay go’aan ka gaareen oo ay ku waafaqeen Saxiixayaashii usaxiixay dhinacooda heshiiskaasi, wuxuuna dhigayay Iskaashi Milateri oo dhexmara dhinacyadan.

Hada oo la joogo Ahlu Suna ayaa sheegtay in ay dagaal kula jirto Al- Shabaab & Xisbul Islaam, balse taasi waxaa ka biyo diiday Al- Shabaab oo sheegay in aysan wali galin dagaalada gobalka Hiiraan, balse ay ku soo biiri doonaan dagaalada gobalka Hiiraan oo ay noqon doonta xaalada mid kale, waa sida ay hadalka udhigeen Al- Shabaabe.

Dhinacyada is diidan ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku dagaalamayay gudaha gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxa ayna dagaaladaasi geysteen khasaare, dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana sidoo kale bakaracay boqolaal qof oo ku noolaa gudaha magaalada Baladweyne.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...