Wednesday 27 January 2010

Kooxda Alshabaab oo maamul kaga dhawaaqday degmada ceel dheer

Wararka naga soo gaaraya DegmadaCeeldheer oo ka tirsan Gobalka Galagaduud ayaa sheegaya in degmadaa maanta maamul u magacabeen Urur diimaydka Alshabaab kaa oo hoostagi doona Maamuladooda.

Maamulkaa ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxa siyaasada iyo xiriirka Gobolada u qaabilsan Sheekh Xuseen Cali Fiidoow waxaana goobtaasi lugu magacaabay ku sugnaa saraakiil sar sare oo xarakada ka mid ah.

Wakiilka degmadaa ayaa loo magacaabay Liibaan Cabdi Aadan halka Taliyaha Ciidamada loo dhiibay Macalin bashiir Macalin Cali.

Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade oo ah mas’uulka dhawaan wakiilka Gobolka Gal-gaduud loo magacaabay ayaa goobtaasi ka hadlay waxa uuna kula dardaarmay xubnihii maamulka cusub in ay waajibka saaran ka soo baxaan.

Maamulkaan ayaa qeyb ka ah maamulo kooxda Al-shabaab inta badan u sameeyeen gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya qayba kamid ah hasayyeeshee arintaan ayaa walaac ku abuurtay dad badan oo goobahaa ay ka taliyaan kuu nool kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan intooda badan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...