Saturday 30 January 2010

Kulan Dowlada Puntland iyo Odayaal Beeleed uga Socday Galgala oo Burburay (Warbixin & Wareysi)

Galgala, (RBC Radio) Warar soo baxay ayaa sheegaya in kulan toddobaadyadii u dambeeyey ka socday degaanka Galgala ee gobolka Bari oo u dhexeeyey dowlada Puntland iyo odayaal beeleed ka soo jeeda Bariga gobolka Sanaag uu burburay.

Warar soo gaaray RBC Radio ayaa xaqiijinaya in kulanka oo ay ka qeybgaleen wakiilo ka socday madaxtooyada Puntland iyo odayaasha beesha Bariga Sanaag uu sii socon waayery ka dib markii la isa soo hordhigay shuruudo adag oo ay labada dhinac kala wateen.




Goob joogayaal kulanka ka qeybqaatay oo u waramay RBC Radio ayaa ku waramay in kulanka looga hadlay arimo ku saabsan amaanka iyo sidii is faham loo dhex dhigi lahaa maamulka Puntland iyo beesha Bariga Sanaag oo waayadanba ka cabaneysay hawlgalo ciidamada dowladu ku qabqabteen dad looga shakiyey amaan dari oo degaan ahaan gobolka Sanaag ku abtirsada.

Hase ahaatee caqabada ugu weyn ee shirkaasi burburka ku keentay ayaa timid ka db markii wakiilo ka socday xarunta madaxtooyada Puntland oo kulanka dartiis u tegey degaanka Galgala oo shirku ka socday laga hor keenay shuruudo u muuqday inaysan dowlada u cuntami Karin.

Waxyaabaha khilaafka dhaliyey

Sida xogta laga helayo odayaasha degaanka ay tilmaameyso waxaa masuuliyiinta wakiilada ka ahaa dowlada oo toddobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa degaanka Galgala ay odayaasha Bariga Sanaag markii hore kala hadleen dhowr qodob oo kala ah:

In is faham la dhex dhigo beesha iyo dowlada isla markaana laga shaqeeyo nabadgelyada.
In odayaasha Bariga Sanaag ay ka dhaadhiciyaan Wadaadka lagu magacaabo Maxamed Siciid Atam oo hub iyo ciidan ku heysta degaanka Galgala in hubkiisa uu ku soo wareejiyo dowlada Puntland isla markaana uu kala diro maleeshiyadiisa.
In dowlada Puntland ay bedel ahaan u siiyaan Maxamed Siciid Atam waraaq wareegto madaxweyne ah oo u fasaxysa in si nabadgelyo ah uu ugu noolaado degaanada Puntland.
In dowada ay siin doonto odayaasha iyo Maxamed Siciid Atam lacag aan tiradeeda la sheegin.
Wada hadal dheer oo mudo maalmo ah qaatay ka dib waxaa dhinaca odayaasha Bariga Sanaag ay iyaguna soo bandhigeen qodobo dhoqr ah oo shuruudo ahaa kuwaasi oo ay sheegeen inay ka doonayaan dowlada inay fuliso kala ahaa:

In dowlada ay sii deyso dad la sheegay inay ku jiraan xabsiyada oo degaanada Sanaag ka soo jeeda kuwaasi oo loo heysto arimo amaanka ku saabsan.

In maamulka uu wareegto rasmi ah ku bedelo saraakiil dhoqr ah oo ka hawlgala gobolka Bari oo ay ku jiraan masuuliyiinta amniga (RBC Radio waxaa uu heley magacyada saraakiisha la xusay in la bedelo laakiin waxaan ka cudur daaraneynaa inaan soo bandhigno).
Waxaa odayaasha degaanka Bariga Sanaag ay si aad ah uga cabteen in iyaga beel ahaan ay dhibaato kala kulmeen dowlada C/raxmaan Faroole hase ahaatee masuuliyiintii wakiilka u ahayd dowlada ayaa sheegay in aanu marnaba jirin cid si gaar ah loo beegsanayo laakiin hadafka dowladu yahay in nabada laga wada shaqeeyo lagana hortago cidii dhibaato wada dhinac kastaba ha ahaatee.

Marka laga tago qodobadan waxay odayaashu cudurdaar ka bixiyeen qodob ay dowladu dalbatey oo ku saabsanaa hubka Maxamed Siciid Atam, iyagoo sheegay in arinta wadaadkaasi isaga si gaar ah loogala hadlo.
Waxaa xusid mudan in wadaadka Maxamed Siciid Atam uusan ka qeybgalin kulmada mudadii ay socdeen, sida RBC Radio ku ogaaday xogtan.
Waxaa kulamadan intii ay socdeen khadka telefoonka uga qeybqaadanayey madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire oo hadda ah ku simaha madaxweynaha dowlada Puntland. Isagoo mudadaasi si toos ah ugala hadlayey dhinacyada kulanka fadhiyey hirgalinta go’aamada shirka looga hadlayey.
Sida wararku sheegayaan waxaa shirkan ka dhacay Galgala ka horeyey shir kale oo dhexmarey odayaasha Bariga Sanaag iyo madaxweynaha Puntland ka hor intii uusan madaxweynuhu u safrin dalka Ethiopia oo uu safar kakle uga sii gudbay wadamada Libya iyo Masar bartamihii bishan January 2010.
Saraakiil muhim ah oo ku dhow madaxtooyada ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in madaxweynuhu uu odayaasha kala hadlay arimaha amaanka iyo cabashooyinka ay qabaan odayaasha beesha Sanaag.
Waxaana madaxweynuhu uu kula balamay odayaasha in kulamada la sii wado iyadoo dowladuna uu masuul uga noqonayo madaxweyne ku xigeenka maadaama uu yahay ku simaha madaxweynaha mudada madaxweynuhu maqan yahay.
Sida ilo muhim ah noo xaqiijiyeen waxaa odayaasha Bariga Sanaag madaxweynuhu gudoonsiiyey lacag gaareysa $30,000 si ay qeyb uga qaataan wada hadalada iyo isu soo dhoweynta dowlada iyo beesha.
Shirkii ka socday Galgala mudadii u dhexeysay 20-ka illaa 25-ka January waxaa uu ahaa mid si toos ah looga hadlayey arimaha hadda taagan gaar ahaan adkeynta nabad gelyada iyo cabashooyinka ay soo jeedinayaan odayaasha reer Sanaag.
Laakiin waxaa si rasmi ah shirkii loogu kala kacay 25-kii January 2010 iyadoo ergadii ka socotay madaxtooyada ee joogtay degaanka Galgala ay dib uga soo dhaqaaqeeb degaanka iyagoo ku laabtay magaalada Garowe oo markii hore ay ka yimaadeen.
Dhacdooyin hore
Tan iyo intii qaraxyada iyo dilalka is daba jooga noqday ay ka dhacayeen degaanada kala duwan ee Puntland waxaa ciidamada booliska ay wadeen hawlgalo xoogan oo ay ku qabqanayaan dadka ay uga shakiyaan amaan darida, kuwaasi oo qaarkood la geeyey maxkamadaha shacriga ee magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso qaarna weli lagu hayo baaritaan.
Dadkaasi qaarkood waxaa loo heystaa qaraxii 15-kii December 2009 lala beegsaday gawaari ka mid ahayd ilaalada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo markaasi ku safreysay wadada laamiga ee isku xirta magaalada Boosaaso iyo degaanka Laag oo30km dhinaca koonfureed ka xigta Boosaaso.
Waxaa meelaha hawlgalada dad qabqabashada ah laga sameeyey ka mid ah Boosaaso, Ceel Daahir, Laag iyo Garowe, waxaana mudadaadi soo axayey cabashooyin ka imaanayey waxgarad iyo odayaal reer Sanaag ah kuwaasi oo beel ahaan uga dacwoonaya in dadka la xiray ay iyaga ku abtirsanadaan isla markaana si gaar ah loo xirxiray. Waxaana dacwadahaasi ay ka mid ahaayeen waxyaabihii soo dedejiyey in kulan fool ka fool ah uu dhexmaro odayaasha Beesha Sanaag iyo masuuliyiinta dowlada Puntland.
Shakhsiyada Maxamed Siciid Atam
Sheekh Maxamed Siciid Ata moo ah nin ka soo jeeda degaanka Bariga Sanaag waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin ku xiran kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya.
Sheekh Atam oo ku dhashay kuna barbaaray Bariga Sanaag waxaa la aaminsan yahay inuu heysto hub iyo ciidanka badan 500 nin kuwaasi oo la sheego inay tababaro ku soo qaateen meelo kala duwan. Waxaa uu wadaadku ahaa nin si weyn looga yaqaano magaalada Boosaaso isagoo kutubta cilmiga ka khrin jiray masaajidada waaweyn ee Boosaaso mudadii u dhexeysay 2000 illaa 2004.
Sheikh Atam waxa uu ku jiraa liiska dadka ay doomeyso dowlada Mareykanka waxaana lagu tilmaamaa inuu wax ka dhisay qeyb weyna ka qaato ururka Al Shabaab. Waxaa uu dhowr jeer tegey magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo xilligii ururka maxkamada ee ka ariminayey koonfurta dalka sanadkii 2006.
Horaantii sanadkii 2009 ayaa warbixin ay oo saartey waaxda baaritaanka ee CIA-da Mareykanka ayey ku sheegtay in Sheekh Atam uu hub iyo rasaas kala soo dego xeebaha Puntland isagoo ka keensada dalka Yemen ka dibna uu u gudbiyo kooxda Al Shabaab.
Waxaa sidoo kale CIA-du sheegtay in Maxamed Siciid Atam uu qorsheynayo inuu kooxda Shabaab ku soo fidiyo degaanada Waqooyiga Soomaaliya.
Habadaba waxaa RBC Radio arimaha shirkaasi iyo sida uu ku soo dhamaaday uga waramay Siciid Maxamuud oo ka mid ah dadkii goob jooga u ahaa shirka isla markaana jooga degaanka Galgala.
Waxaana wareysiga uu qeyb ka yahay xog baaris RBC Radio ka sameeyey kulamadii ka dhacay Galgala eek u saabsanaa arimaha u dhexeeya dowlada Puntland iyo odayaasha degaanka gobolka Sanaag.
Waxaa xusid mudan in RBC Radioisku dayey in arinta shirka uu xiriir kala sameeyo dhinaca dowlada hase yeeshee ma suuri gelin inaan helno masuul diyaar u ah inuu ka hadlo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...