Sunday 24 January 2010

Madaxweyne Shariif oo wareegto ku magacaabay maamul cusub oo uu yeelan gobolka Sh/dhexe , xilli ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab (AQRI WAREEGT

Madaxweynaha dowlada Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta wareegto ku magacaabay maamul cusub oo uu yeelan gobolka Sh/dhexe ee dalka Somalia, xili ay gacanta ku hayaan guud ahaanba gobolkaasi Xarakada Mujaahidiina Al Shabaab oo ka mid ah kooxaha ka horjeeda dowadiisa, waxaana wareegtada lagu magacaabay maamulka cusub ay qorneyd sidatan:

Republic of Somalia

Office of the President

XEER MADAXWEYNAHA J.S. Lr.JS/XM/07/2010 taariikh 23/01/2010

Magacaabid Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha J.S. MARKUU ARKAY:- Qodobka 39aad faqrada 2aad, & Qodobka 44aad faqrada 1aad xarafka “e” iyo qodobka 71aad faqrada 2aad ee Axdiga FKMG.

MARKUU DHUUXAY: Go’aanka Golaha Wasiiradda ee Magacaabista Guddoomiyaha, ku-xigeenada Guddoomiyaha & Xoghayaha Gobalka Shabeelaha Dhexe ee Jawhar ee ka soo baxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Sumad LrXRW/000222/01/2010 Taariikh 23/01/2010.

MARKUU ARKAY: In loo baahday in dib-u-habeyn lagu sameeyo Maamul dhismeedyada Gobaladda iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

MARKUU ARKAY: In ay lagama-maarmaan tahay in la magacaabo Guddoomiyaha Shabeelaha Dhexe ee Jawhar si loo socod-siiyo habsami u socodka Maamulka dawladda.

Wuxuu soo saaray xeerkaan

Qodobka 1aad

Laga bilaabo maalinta uu Madaxweynaha saxiixo Xeerkaan ayaa waxaa:

1) Md. Cali Maxamuud Caddow ( Cali Jawhar ) loo Magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe.

2) Md. Cabdullaahi Macallin Xuseen Maxamuud: G/kuxigeenka 1aad ee Arrimaha Siyaasadda & Bulshada

3) Md. Cali Cusmaan Ibraahim: G/kuxigeenka 2aad ee Arrimaha Maamulka & Maaliyadda

4) Md. Col Xasan Axmed Muudeey : G/Kuxigeenka 3aad ee Arrimaha Nabadgalyada & Xasilloonida

5) Md Cabdullaahi Cali Maxamed: Xoghayaha Guud ee Gobalka

Qodobka 2aad

Mudanaha Guddoomiyaha ah wuxuu xaq u yeelanayaa wixii xuquuq ah ee ku qoran Shuruucda xagga sare ku xusan & kuwo kale ee Dalka ka jira.

Qodabka 3aad

Xeerkaan wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha J.S. Waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...