Monday 18 January 2010

Shirkii Dib u heshiisiinta Dhinacyada Gaalkacyo Oo Madax kala duwan ka qaybgashey

(Warbixin)
Gaalkacyo (RBC):- Shirkii dib u heshiisiinta Maamulada Gaalkacyo ee shalay ka furmey Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa ka qaybgalay galinkii danbe madax ka tirsan dawlada KMG ah ee Soomaaliya,Puntland iyo Galmudug.

Shirkan oo galinkii hore u furmey gudiyadii labada dhinac aya gabogabadiisii shalay waxaa ka qaybgalay Wasiirka Macdanta biyaha dawlada KMG ah ee Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, xildhibaano ka tirsan federaalka, Wasiiro ka tirsan dawlada Puntland iyo xildhibaano Puntland iyo Galmudug ah.

Sidoo kale waxaa shirka joogey labada gudoomiye ee Gobalka ee Puntland iyo Galmudg, kuwaas oo shirkan hormuud u ah.

Gudoomiyeyaasha labada Maamul ee Gobalkan ayaa ka hadley wadahadaladii shalay ka dhacay, waxaana ay sheegeen in shirku uu ahaa mid wax ku ool ah ayna shalay labada dhinac isku soo laabteen kadib markii ay maalmo kala maqnaayeen.

Gudoomiyaha gudiga amniga ee golaha deegaanka ee Waqooyiga Gaalkacyo Col. C/laahi Farey oo warbaahinta maxaliga ah la hadley, ayaa sheegay in labada dhinacba ay isku afgarteen in la yareeyo gudigii horey loo magacaabay kaasi oo horey u dhamaa 18 xubnood, waxaana uu sheegay in laga dhigay 10 xubnood.

Sidoo kale C/Laahi Farey, waxaa uu warbaahinta u sheegay in markii kulanku furmey ee qodobadii hore lala kala soo baxay, ayuu sheegay in gudigii Galmudug ay soo celiyeen warqadihii heshiiskii hore gudigu u wada gaareen, waxayna gudiga Galmudug ay sheegeen in heshiiska dib loogu soo celiyey iyagoo codsaday in wax laga badalo oo heshiiska dib loo eego.

Wasiiradii iyo xildhibaanadii ka socdey Dawlada KMG ah ee Soomaliya, Puntland iyo Galmudug, ayaa markii ay shirka ka qaybgaleen waxay ka codsadeen dhinacyadii shiraysay in gudiga la yareeyo oo laga dhigo 5 xubnood in dhiniciiba ay ka yimaadaan, taas oo ay ku sheegeen in gudiga faraha badan uusan faa’ido keeneyn, waxaana markaasi kadib la isku afgartey in gudiga la yareeyo, waxaana laga dhigay 10 xubnood oo labada dhinac iyo labada gudoomiye Gobol ee Puntland iyo Galmudug kuwaas oo hormuud u noqonaya shirka.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Cali Salaad oo saxaafada xalay la hadlayay waxaa uu sheegay in shirku uu soconayo, labada dhinac ay ka go’an tahay inay heshiis taabo gal ah kala gaaraan, kaasi oo lagu soo afjarayo khilaafaadka xagga xuduudka ah ee labada maamul ee magaalada wada dagan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...