Friday 19 February 2010

Ahlu Suna oo ku biireyso dolwada federalka, xubno sar sarana laga siiyay


Sida aan ka helayno ila wareedyada ku dhaw dhaw shirka dowlada federalka iyo Ahlu Suna uga socda magalada Adis Ababa ayaa inoo sheegayo in laga heshiiyay in la isku dhafo dowlada federalka iyo Ahlu Suna.
Qodobadda lagu heshiyay
Ahlu Suna ayaa horey dalbatay xilka Ra’isal wasaraaha iyo xubno kale oo dowlada, balse waa loo diiday, iminkase waxa loo ogolaaday in la siiyo xubno wasiiro oo gaarayo 5-wasiir.
5-ta wasiir ee la siinayo Ahlu Suna ayaa mid kami dah waxa uu noqonayaa wasaradaha, Arimaha Dibada, Gudaha, Gaashandhiga, Maaliyadda, halka ay helayan wasiiro ku xigeeno, iyo wasiir dowlayaal.
Waxa kale oo Ahlu Suna ay heleysaa taliyo ku xigeenada talisyada ciidamada Militariga, Nabadsugida, iyo Booliska, iyo 3-dex safiir, 3-dex, Qunsul iyo 6-diblomaasi oo wehlin doona xubnahaas, kuwaas oo shaqooyin kala duwan ka qaban doona safaradaha loo magacabi doono.
Saxiixa heshiiska
Heshiiska oo wali la saxiixin ayaa loo balansan yahay in qalanka ay ku wada duugaan labada dhinac 3-da, marka ay xubnaha dowlada federalka iyo Ahlu Sun ula guryo noqdaan dhiancyada ay ka kala yimadeen.
Aragtida
Heshiiskaan oo dabada ay ka riixeysay dowlada Itobiya ayaa la filayaa inay taageraan beesha caalamka, oona dowlada looga mahad celiyo labo arimood
Iyadoo si daba dheeraysay wada dib u heshiisinta oo dowlada midnimada qaran loogu magacdaray salka u baraarisay
Iyo iyadoo heshay koox sideeda oo kale la dagaalanta kooxda Al Shabaab oo in badan oo dunida looga yaqaan koox argagixiso

Dad kale oo aqoonyahano, siyaasiyin, xubno dowlada ku jiro ayaa I sheegay in Ahlu Suna u muuqata mid ku gorgortan tahy cududeeda militari ee dhulka badan ku haysato, waxase ay is weydinayaa inta ay sii jiri karto.
Iskaashiga
Labada dhinac ee Dowlada Federalka iyo Ahlu Suna Wal Jamaca ayaa hadii is kashaadaan noqonayo awood kale oo si fiican ula dagaalami karta Al Shabaab, maadama ay helayan taageero kala duwan.
Warbixino Hore:
 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...