Saturday 27 February 2010

Ciidamada AMISOM oo toogtay Dhalinyaro Soomaaliyeed.

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamada Midowga Africa ee ka socda dalalka Ugandha iyo Burundi ee Ilaaliya dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa toogtay labo dhalinyaro Soomaaliyeed ah, sida ay sheegayaan Wararka ay APL ka helayso gudaha magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.


Labadan dhalinyarada ah ayaa marayay meel ay marayeen ciidamada AMISOM, waxaana toogtay ciidamada AMISOM, sida ay sheegeen qaar kamid ah Ehelada Dhalinyaradaas, isagoo sheegay in aysan garan karin sababaha dhalin kara in la toogto dhalinyaradooda, waxa ayna aad uga xumaadeen talaabadan ay ku dhaqaaqeen ciidamada AMISOM.

Xaafada Siigaale ah oo meesha ay ka dhacday dhacdadan, ayay gaareen Ehalada wiilashada ladilay iyo Waxgarad Soomaaliyeed, iyagoo muujiyey sida ay uga xun yihiin tacadiyada ay geysteen ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee saaran daarta guriga shaqaalaha ayaa toogtay dhalinyaradan, iyadoo aan la garan karin sababaha rasmiga ah ee ciidamadaas ku cambaaray in ay geystaan talaabadaasi
Odayaasha Muqdisho qaarkood ayaa ku tilmaamay falkaasi mid muujinaya dhibaatada ay ciidamada Midowga Africa ku hayaan dadka magaalada Muqdisho, iyagoo horay uga hadlay madaafiicda culus ee ay ciidamadaasi ku garacaan goobaha rayidka waqtiyada ay dagaaladu jiraan iyo markii ay doonaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...