Thursday 25 February 2010

Dariiqooyinka Al Itixaad iyo Suufiya oo Maanta Jeediyay Muxaadarooyin ku aadan Bisha Mowliid


Muqdisho (RBC Radio):-Xuska Nabiga oo ku beegan maalinimada Beri ah oo ay taariikhdu tahay 12-ka Rabiicul Awal ama “Mowliid” ayay siyaaba kala gedisan uga hadleen dariiqooyinka diiniga ah ee ka jira dalka Soomaaliya.


Muxaadarooyin iyo Hadalo midba midka kale ku dhaleecaynayay ayaa 24-cii ee saac ee lasoo dhaafay ayay Al Itixaad iyo Suufiya ka jeedinayeen Idaacadaha iyo masaajidyo ku yaala gobalada dalka Soomaaliya.

Muxaadaro balaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan Masjidka Abuu Hureyra suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho ayay Khudbado ka jeediyeen Culimaa’udiin katirsan Dariiqada Al Itxiaad waxayna si kulul u caayeen dabaal dega Bisha Mowliid ee ku beegan dhalashadii Nabi Muxamed CSW.

Muxaadarada oo ay kasoo qayb galeen Kumanaan qof oo reer Muqdisho ah waxaa jeedinayay Culimo madax banaan iyo kuwo katirsan Al Shabaab balse isku ah hal Dariiqo oo ah Al Itixaad oo lagu tilmaamo in ay xagjir yihiin.

Culimada Muxaadarooyinka jeedinayay waxay si cad u sheegayeen in ay xaaraan tahay ixtifaalka Mowlidka iyagoo soo qaadanayay aayado qur’aan ah iyo Axaadiis muujinaysay in Dabaal dega dhalasha Nabiga uu yahay mid xaaraan ah.

Sheekh Abuu Ruqiyaha oo katirsan Culimada Al Itixaad islamarkaana Shabaab katirsan ayaa sheegay in waxa hadda socda ay yihiin Bidco haddii Mowliid la dhigana diinta laga baxayo sida wadaadkaasi sheegay.

Sidoo kale Sheekh Jaamac Cabdi Salaan oo isna kamid ah culimadii maanta ka Muxaadareeyay Masjidka Abuu Hureyra ayaa ugu baaqay Soomaalida in aanay isku mashquulin dabaal dega Bisha Mowliid, Muxaadaraan lagu diidanaa Mowliidka ee Muqdisho ka dhacay ayaa Ciwaanka looga dhigay (Bidcadtu Mowliidu Nabawi)

Dhinaca kale Muxaadarooyin iyo Banaan baxyo lagusoo dhawaynayo dhalashadii Nabiga ayaa maanta ka dhacay degmooyinka ay Dariiqooyinga suufida ka maamulaan Gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Culimo katirsan Dariiqada Suufida ayaa fagaarooyin uga muxaadareeyay Dad badan oo ku nool magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb, Cabud Waaq iyo tuulada Xeraale oo katirsan gobalkaasi Galgaduud.

Culimada Maamulo inta baan G/gaduud waxay muxaadarooyinkooda ku sheegayeen iyo Shabaab iyo Itixaadka kale ay yihiin “kuwa Wahaabiya ah” islamarkaana doonaya in ay baadiyeeyaan shacabka sida ay hadalka u dhigeen.

Kala hadalka Culimada ee masaa’isha diiniga ah ayaa muujinaysa in ay qayb ka tahay dhibaatada ka jirta Koonfurta Soomaaliya oo muddo 20-sana ah aan lahayn dowlad iyo Nidaam dhexe.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...