Friday 26 February 2010

Dhaq dhaqaaq ku aadan u diyaar garowga Xaflad lugu xusayo dhalshadii Nabi Maxamed oo ka socda magaalada Garowe

(Garowe) RBC: Waxaa ka socda Magaalada Garowe dhaq dhaqaaq ku aadan u diyaar garowga xaflad balaaran oo loo qabto xuska Nabiga (NNH) oo ku aadan 12 bisha rabiicu awal oo ah xiliga dhalashada nabiga.
Dhaq dhaqaan oo ah mid laga dareemayo gudaha magaalada waxaana wadada laamig ah lugu arkayaa gawaari ay ku xiran yihiin samecadaha codka baahiya islamarkaana ay ku xardhan yihiin boorar ay ku qaran yihiin dhalashada nabiga NNH.
Waxaa sidoo kale isku soo baxay barxad wayn ee Magaalada garowe ay caanka ku tahay boqolaal dad ah kuwaa oo socod lugta ah ku marayay laamiga dheer waxaana ay qaadayeen saliga nabiga (SSW) iyagoo sidoo kale dadka ku baraarujinayay in ay caawo ka soo qayb galaan xaflad balaaran oo la filayo in Caawo la qabto.



Maalmihi aan ka soo gudbnay ayaa laga dareemayay u diyaar garowga dhalashada nabiga oo caawo oo kale xflada lugu xusayo lugu qabto Gobalada dalka waxaana maalmahaan culumaau,diinka ku dhaqan Magaalada Garowe wadeen dadaalo ku aadan u diyaar garowga xaflada lugu xusayo dhalashada nabiga.


Caawo ayaa la filayaa in xaflad balaaran oo lugu xusayo dhalashada nabiga la qabto taa oo ay ka soo qaybgali doonaan Culumaaudiin kala duwan waxaana sidoo kale aad loo adkeeyay amniga goobta xafladu ka dhacaso.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...