Wednesday 24 February 2010

Ganacsatada Khaadka oo ka Walaacsan in Kooxaha Islaamiyiinta ay Khaadka ka Mamnuucaan Koonfurta Somalia

Muqdisho (RBC Radio):-Ganacsatada ka Baayac Mushtara Caleenta Maanka Doorisa ee Khaadka ayaa walaac balaaran ka muujinaya in ka ganacsiga Khaadka laga maamnuuco Koonfurta Somalia.
War shalay si kaftan iyo Awood tijaabis ah ugasoo yeeray Wasiirka Lacagta Dowlada KMG Somalia C/raxmaan Yariisow ayaa cabsi iyo walbahaar ku abuuray Muqayiliin iyo ganacsato ka macaasha Khaadka.
Dowlada KMG Somalia waxay shalay si aan rasmi ahayn u sheegtay in ay amri doonto in diyuuradaha Khaadka keena Somalia ay kasoo degaan magaalada Muqdisho hadii kale talaab laga qaadi doono.
Wasiirka sidaasi leh dowladiisu muqdisho kama maamusho in kabadan 5 degmo Gobalo warkooda iskaba daay, hadaba Ganacsatada waaweyn ee ka faa’iida Khaadka ayaa sheegay in ay Warqad cabasha ah u qoreen dowlada KMG Somalia.
Ganacsatadu waxay ka baqayaan hadii ay dowladu diyuuradaha Khaadka ku amarto in ay Muqdisho kasoo degaan in gebi ahaanba cunista Khaadka iyo ka Ganacsigiisa ay kooxaha Islamaamiyiinta ka mamnuucaan 10 Gobal oo dhaca Koonfurta dalka Somalia.
Al Shabaab ayaa laga cabsi qabaa in ay ganacsiga Khaadka ka joojiso gobalada Kooonfureed oo ay ku nool yihiin malaayiin Muqayiliin ah iyo Haween badan oo ka gancsada.
Xaliimo Cabdi oo sheegatay in ay gudoomiye u tahay Haweenka Khaadka ka ganacsada ee gobalada Sh/Hoose iyo Gobalka Banaadir ayaa RBC u sheegtay in ay dowlada u gudbiyeen Warqad cabasho ah.
“Dowladda waxaan ugudbinay inaysan nagusoo jeedin Indhaha Kooxaha Islaamiyiinta oo maamula gobalada aan ka gancsano,xiligan ma haboona in Khaadka lajoojiyo maxaa yeelay ma jiraan gooba ay dadku u shaqa tagaan”ayay tiri Xaliimo Cabdi.
Al Shabaab ayaa lacago badan ka hesho Khaadka iyadoona Canshuuro ka hesho Diyuuradaha Khaadka keena garoomada Macmalka ah ee dhaca Koonfurta Somalia, hadii ay dowladu amarto in garoonka Muqdisho khaadka lagasoo dejiyo shabaab waxay heli doontaa fursad ay Khaadka ku mamnuucdo.
Dowladda KMG ah ayaa doonaysa in ay hesho Canshuurta Khaadka laakin Ganacsatada Khaadka ayaa ka walaacsan in rabitaanka dowladda uu sabab u noqdo in Islaamiyiinta ay Khaadka u diidaan dalka meelaha ay ka maamulaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...