Tuesday 23 February 2010

Macalin dugsi Qur'aan oo lagu edeeyey in ardaydiisa uu ku biiriyey Xarakada Shabaabul Mujaahidiin magaalada muqdisho ka dibna la xirey.






Hadaba si aan wax ugu ogaano xaqiiqda arintaas ayaa maanta anagoo koox wariyayaal ah booqanay Saldhiga degmada wadajir waxaana noo suurto gashay in anaan la kulano gudoomiyha Degmada wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo arintaas ka hadlayey asagu ahna gudoomiye ka mida kuwa ay maamusho Dowlada Soomaliya
Ugu horeyntii Guddoomiyha ayaa waxa uu u soo bandhigay saxaafada qaarka mid ah waalidiinta dhalay caruurta uu Macalinkooda u geeyay Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ee uu ku biiriyey sida uu shegay gudoomiyuhu .
Ka dib ayaa Waxaa wax laga weydiiyay jiritaanka arintan lagu eedeynayo macalinka Dugsiga Quraanka waxa uuna yiri "waxaan cadeyn buuxda u hayaa inuumacalinkaas uu Ilmaha yar ku biiriyey kooxaha naga soo horjeedo waadna u jeedaan oo Waalidiinta murugeysan oo ilmada ka qubaneyso in ay ka maqan yihiin Ilmahooda". ayuu yiri Gudoomiye Axmed daaci oo ka hadlayey gudaha Sladhiga booliska ee degmada Wadajir ee uu gudoomiyaha ka yahey.
Waxaa ka dib isagana saxaafada lala hadal siiyay wiil yar oo ka soo baxsaday ciyaalka la qabsaday "macalinkeena ayaa noo sheegay in aan bakaaro Allaab ka dooneyno ka dib markii aan bakaaraha aadnayna wqaxaa nagula qaaday Baabuur meesha ku diyaar ahaa waxaana naloo geeyay meel ay Ciidamada Shabaabka joogaan.




Macalinka Lagu eedeynayo in uu ku biiriyey Ardeydisa Shabaabul Mujaahidiin

Wiilka la shegay in uu ka soo baxsaey Xeradii la geeyey

Mar wax laga weydiiyay wiilka qaabka u kusoo baxsadayna waxa uu yiri Salaad ayeey Dukanayeen ciidamada anigana banaanka ayaan usoo baxay waana soo cararay kadibna sidii ayaan kusoo baxay markaas ayaan ku soo gaaray Xaafadeena saaxiibadeyna sidii ayeey ugu jiraan meeshii aan ka so cararay.
Wiilkan yar isaga ayaa kadib u sheegay waalidkiisa arinka sidaana dacwad loogu furay macalinka sidaana xabsiga lagu gheeyay Maclin Maxamed Cabdu Qaadi (Xama)
Sidiina hada Xabiga loogu taxaabay.
Mar aan isku daynay inaan wax ka weydiino macalinka nooma suurto galin maam,uilka ayaana noo ogolaan waayay,
intaa ka dib waxaa saxaafada la hadashay Hooyo Muumino Macalin Axmed oo iyadoo si aad ah u murugeysneyd oo ay ilmada ka soo daadaneysa, ayaa waxa ay ku calaalashay "Aaway Wilkeyga C/casiis Gaaboow Arriile dib ma u arki doonaa....?
Intaa ka dib waxaa isagana meesha ka hadlay Aabe Axmed Aweys Jeylaani isagana noo sheegay inuu wiilkiisa ka maqan yahay "waxaa iigu war danbeysay wiilkeyga maalintii qamiista oo aan islahaa waa qamiis ciyaar ayuu ku maqan yahay illaa iyo jimcaha markii aan weysnaa ayaa maalintii sabtida ka war helnay arintan.
Hadaba arintan ayaa noqotay mida ugu hadal heynta badan maalmahan degmada wadajir lamana hayo wax hadal ah oo ka soo yeeray ila iyo hada Xarakada shabaabul mujaahidiin oo ayaka lagu eedeynayo arintaan ama lala xiriirinayo in lagu biiriyey ciidamadooda ilmo dhiganeyey dugsi quraan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...