Wednesday 24 February 2010

Warar dheeri ah oo ka soo baxay dil loo geystay G. xigeenka Buursalaax.

Cabdinuur Goomey Gudoomiyaha degmadda Buursaalax oo u la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in koox Burcad Badeed Soomaali ah oo shalay soo galay degaanka ay toogasho ku dileen Gudoomiyahaas isla markaana isku deyey in ay baxsadeen.

Waxaana uu sheegay in maamulka degmadda iyo Shacabka ay si wadajir ah gacanta ugu soo dhigay labo qof oo ka mid ahaa Burcad Badeeda dilka geysatay ay gacanta kusoo dhigeen ayna baaritaan ku wadaan iminka.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka degmadda iyo Shacabka ay iminka u socdaan kulamo looga hadlaayo arimahaasi si loo adkeeyo amaanka guud ee deegaanka oo haata qiilqiil galay.

Dhanka kale, Ma jirto ila haatan masuul ka tirsan Puntland oo arinkaasi si dhab ah uga hadlay marka laga reebo dhaqdhaqaaqyada ay wadaan PIS-ta oo ku aadan sidii ay ula wareegi lahaayeen talada guud ee gobolka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...