Thursday 25 February 2010

Xasan Biikole “Beelaha Bay iyo Bakool waxay Hubkoodi ku wareejiyeen cadaw Argagaxiso ah, ma ahan in Shabaab lasiiyo Hubkii Tolka”

Muqdisho (RBC Radio):-Maamulkii hore ee Dowlada KMG Somalia u qaabilsanaa gobalada Bay iyo Bakool ayaa si kulul u cambaareeyay beelaha dega Gobalada Bay iyo Bakool oo maalmihii lasoo dhaafay Hub iyo lacago siinayay Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab

Xasan Macalin Biikole duqii hore ee magaalada Baydhabo ayaa qiray in Beelo waaweyn oo Bay iyo Bakool dego ay Hubkoodi siiyeen Al Shabaab taasina ay tahay musiibo hor leh oo kusoo wajahan beelaha gobalka sida uu hadalka udhigay.

Mas’uulkan katirsanaa Maamuladii Bay iyo Bakool wuxuu uga digay Beelaha Gobalada Bay iyo Bakool in ay xaalufiyaan Hubkii ay isku difaaci lahaayeen dadka deegaanka islamarkaana ay lacago siiyaan Al Shabaab.

“waxaan ka xunahay in Beelihii Bay iyo Bakool ay Hubkii Tolku lahaa ay siiyaan Al Shabaab oo Argagaxiso ah, waxaan la soconaa in beelo gobalka dego ay Shabaab hub iyo lacag ku gurayaan arrintaasi cawaaqib xumo ayaa ka dhalan karta,ma ahan in hubkii laysku difaaci lahaa Argagaxiso lasiiyo odayaasha dhaqanka arrinkaas ha joojiyaan”ayuu yiri Biikolle.

Maamulkii Hore ee Dowlada Bay iyo Bakool ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka in ay joojiyaan waxyaabaha gobalada ka socda islamarkaana ay qabtaan shirar arrinkaasi looga hor tegayo, isbuucyadii lasoo dhaafay ayay Al Shabaab hub farabadan ku wareejiyeen beelaha gobalka waxaana ugu dambeeyay Beesha Luwaay oo shalay Ufurow Hub ku wareejisay.


Ramadaan Sheekh Mohamed RBC Radio Muqdisho Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...