Wednesday 24 February 2010

Xildhibaano iyo Saraakiil Dowlada katirsan oo Maanta Maxkamad lagusoo taagay magaalada Jigjiga

Muqdisho (RBC Radio):-Dowladda Itoobiya ayaa maanta Maxkamad soo taagtay Xildhibaano iyo saraakiil katirsan Dowlada Federaalka KMG Somalia oo muddo 25 cesho ah ku xiran Xabsi weyn oo kuyaal magaalada Jigjiga dhulka Somalida Itoobiya gumaysato.
Wararka nagasoo gaaraya Jigjiga ayaa xaqiijinaya in maanta Dacwad ku aadan Xildhibaanada Somalida ah ay ka furantay Maxkamada Federaalka Dowlada Somalida magaalada Jigjiga waxaana su’aalo la weydiinayaa Xildhibaanada.
Xildhibaan Gaagaale iyo Taliye Axmed Cismaan Inji ayaa la xaqiijiyay in ay kasoo hor muuqdeen maxkamadda gobalka Somalida lamana oga dacwada lagusoo oogay Xildhibaanada iyo saraakiisha dowladda waxaase loo badanayaa in lagu hayso sharci la’aanta ay Itoobiya galeen.
Maxamed Xasan C/laahi Amiin oo katirsan Mudanayaasha Baarlamanka oo maanta Muqdisho ka hadlay ayaa dhankiisa xaqiijiyay in saaka Maxkamad lasoo taagay Xildhibaanada iyo Sarkaalka ku xiran magaalada Jigjiga.
Dowlada Deegaanka Somalida ayaa la sheegayaa in ay fulinayso awaamir kaga timid Dowlada Federaalka Itoobiya oo ku aadan in la maxkamadeeyo Xildhibaanadan iyo saraakiisha Dowlada katirsan oo la sheegay in qaab sharci dara ah ay ku galeen Itoobiya.
Warar Madax banaan oo ay heshay RBC Radio ayaa xaqiijinaya in Xildhibaanadan ay dacwad ka gudbiyeen Ururka Ahlusuna oo ku Eedeeyay in auy Burburiyeen is kaashigii ka dhexeeyay Ahlusuna iyo Maleeshiyo reer Hiiraan ah oo bishii lasoo dhaafay dhinac ka qabsaday magaalada B/weyne.
Maxkamadaynta xildhibaanada iyo saraakiisha ciidanka dowlada ayaa dhabar jab ku ah dowlada KMG Somalia maadaama ay Mudanayaashan metelaan dowlad madax banaan, Kenya ayaa horay u xirtay Xildhibaaano iyo saraakiil dowladeed waloow iyadoo aan maxkamad lamarin lasii daayay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...