Wednesday 31 March 2010

Dhuusa-Mareeb: Abaabulo dagaal oo ka socda gobalada Dhexe ee Soomaaliya….WARBIXIN….

Dhuusa-Mareeb(AllPuntland)- Dhaqdhaqaaqyo ciidan kuwii ugu xooga badnaa ayaa ka aloosmay dhamaadka todobaadkan gudaha gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya, oo ay ka kala taliyaan Xarakada Al- Shabaab, Xisbul Islaam iyo Ahlu Suna oo taabacsan dawladda KMG ah ee Soomaaliya siyaasadeeda.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa aad uga soo horjeeda in ay Ahlu Suna gacanta ku hayaan meelo ka mid ah Galguduud, gaar ahaana degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa-Mareeb, waxa ayna Xisbul Islaam iyo Al- Shabaab ciidan adag keeneen Galguduud iyo Hiiraan oo lafilan karo in ay dagaalo ka qarxaan.
Xarakada Al- Shabaab ayaa laga soo xigtay in ay doonayaan in ay gobalka ka saaraan Ahlu Suna, oo la rumeysan yahay in xiriir dhaw la leedahay dawladda Itoobiya, isla markaasna sidoo kale dhawaan heshiis lagashay dawladda KMG ah ee Soomaaliya.
Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay waheliyaan ciidamo badan oo kala gedisan ayaa ka soo baxay fariisimaha Xarakada Al- Shabaab, waxa ayna doonayaan in ay dagaalo la galaan Ahlu Suna, oo dhawaan sheegtay in ay iska difaaci doonto weerar kasta oo uga yimaada Xisbul Islaam iyo Al- Shabaab.

Ahlu Suna oo dhexdoodu ay is hayaan ayaa wararku ay sheegayaan in ay suuragal tahay in ciidan badan oo ay heysteen kooxdu, ay hada ka baxeen saldhigyada dagaalka, wixii ka dambeeyey markii ay ciidamadaas ukala jabeen qaab qabaa’il, markii laysku qabtay heshiiskii magaalada Addis Ababa.
Saraakiisha Al- Shabaab ayaa sheegay in ay doonayaan in lugu kala baxo Guriceel iyo Dhuusa-Mareeb, todobaadyada fooda nagu soo haya, isla markaasna ay dhici doonaan Isbadalo waa weyn, oo ku wajahan gacan ku heynta gobalka Galguduud.
Galguduud oo ay maalmihii ugu dambeeyey joogeen wafdigii Ahlu Suna ee ka yimid Addis Ababa, ayaa ka tagay saacadihii lasoo dhaafay, waxa ayna aadeen Muqdisho oo ay doonayaan in ay ku hirgaliyaan heshiiska.
Dagaalada ka socda Galguduud abaabulkooda, ayaan la garan Karin in ay ka hordhici doonaan duulaan uu sheegay in ay qaadayso dawladdiisu Madaxweynaha KMG ah Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlayay marar badan Muqdisho.
Iskaashiga Milateri ee Shabaabul Mujaahidiin & Xisbul Islaam ayaa horay loogu qabsaday magaalada Baladweyne iyo deegaano badan oo hoos yimaada gobalka Hiiraan, oo ay maamulayeen kooxda Ahlu Suna.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...