Wednesday 24 March 2010

Muqdisho:Alshabaab oo Wada Qubuuro Bur-Burin & Ehlusuna oo ka hadashay.

Muqdisho:(Allpuntland)-Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ayaa Labadii Maalmood ee ugu danbeeyey waxay wadeen Howlgalo ay ku burburinayaan Qubuuro ku yaala Deegaanada ay ka taliyaan ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku aasan yihiin Culimadii hore ee Fikir ahaan taabacsanaa Culimo Owdiinka Ehlusuna Waljameeca,Waxaana Qubuurahaas la burburiyey Qaarkood ku aasnaa Mashaa'ikh badan.

Qaarkatirsan Ehelada Culimada Qubuurahooda la dudumiyey ayaa sheegey in Falka Alshabaab ay ku keceen uu yahay mid aanan loo baahnayn,waxayna sheegeen in ay soosaareen Lafo waahore Dhamaaday taasina ay Naxdin ku abuudhay Caruura &Ehelada Dadka Qubuurahooda laga soo fagay,waxayna sidoo kale sheegeen in ay Alshabaab halkaas ka qaateen Alaabo ay lahaayeen Qaraabada Dadka Qubuuraha ku aasnaa.

Dhinaca kale Culimo Owdiinka Ehlusuna Waljameeca ayaa iyana dhankooda Canbeereeyey Qubuuraha lasoo fagtay,waxayna sheegeen in uu Falkaasi yahay mid naxdin ku abuuraya Umada Soomaaliyeed oo intooda badan Ehlusuno wada ah,sidoo kale Culimadu waxay sheegeen in Falka lagu Burburinayo Qubuuraha uu Jawaab u yahay heshiiskii Ehlusna & Dawlada todobaadkii tagey dhexmaray oo aysan Alshabaab ku farxin.

Gudoomiyihii Hore ee Ehlusuna u qaabilsanaan Gobolada dhexe & mid ka mid ah Saraakiisha Ehlusuna ayaa siyaabo kaladuwan Falkaas uga hadlay,waxayna ku tilmaameen mid ay ka danbeeyey Dano shisheeye oo aysan Soomaali waxaas ku fakarin,iyagoo Ummada Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska qabtaan dadka Culimadii & Mashaa'ikhdii Dalka soo gaarsiiyey Qubuurahooda faganaya inay la diriraan.

Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo kamid ah Mas'uuliyiinta Ehlusuna ee Muqdisho oo isna hadlay ayaa sheegey in Falka ay Alshabaab ku dhaqaaqeen uu yahay mid daliil u ah sida ay Alshabaab Diinta ugu ciyaarayaan,wuxuuna tilmaamay in ay banaantahay la jihaadka dadka waxaas wada oo uu ku tilmaamay kuwo ay gadaal kasoo riixayaan Fikrado shisheeye.

Balse Saraakiil ka tirsan Xarakada Alshabaab oo dhankooda Warbaahinta ka hadlay ayaa sheegey in ay Qubuuraha dudiminayaan maadama bay yiraahdeen ay Dadku Caabudaan dad waa hore dhintay ayna doonayaan inay Munkarka joojiyaan,waxayna tilmaameen in lasii wadi doono Burburinta ay imika wadaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...