Friday 7 May 2010

Axmed C/salaan oo noqday Caqabadda labaad ee Heshiiska Dowladda iyo Ahlu sunna.

Siyaasiga Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan ayaa waxa uu noqday shaqsiga labaad ee caqabadda ku noqday Heshiiska Addis Ababa ay kusoo kala saxiixdeen Ahlu sunna iyo Dowladda federaalka.
Dhowaan ayaa Guddoomiyaha Ahlu sunna ee Gobolada dhexe Macallin Maxamuud waxa uu shaaca ka qaaday in Heshiiskii Ahlu sunna iyo dowladda uu bur buray kadib markii ay soo dhex galeen gacan saddexaad oo xukuumadda taageero ka helaya.
Arrintani ayaa markii hore waxaa lagu eedeynayay dhowr qof oo indhacadde laga carabaabay, waxaase maanta lasoo shaaciyay in ninka labaad ee caqabadda ku ah arrintani uu yahay Soomaali Canades-ka lagu magacaabo Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.
Axmed C/salaan oo noqday Caqabadda labaad ee Heshiiska Dowladda iyo Ahlu sunna. Axmed C/salaan ayaa doonaya in Magaca Ahlu sunna isaga oo adeegsanayo in xil weyn uu ka qabto dowladda isla markaasina magacaasi uu si dadbadan ugu qaraabto taasi oo si weyn ay uga horyimaadeen Ururka Ahlu sunna kana soo horjeestay.
Lama garanayo siyaasiyiinta kale ee Caqabadda ku ah Heshiiskii dowladda iyo Ahlu sunna ay wada gaareen xilliga lka shaacin doono iyadoo maalin waliba mas’uul  un uu soo shaac baxayo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...