Sunday 18 July 2010

DEG DEG: Gudoomiyihii Maxkamada Rafcaanka Gobolka Sool oo Lagu Dilay Laascaanood

Qof goobjooge ah ayaa RBC u sheegay in gudoomiyaha xiliga la dilayey uu ku sii socday gurigiisa ka dibna ay toogteen niman madaxa soo duubtay oo ka dibna goobta ka baxsaday.

Laascaanood (RBC) Dabley aan la aqoonsan ayaa caawa salaadii maqrib ka dib toogasho ku dilay gudoomyihii maxkamada Rafcaanka ee gobolka Sool ee maamulka Somaliland.
Gudoomiyaha la dilay oo lagu magacaabo Suleymaan Jaamac Ciise (Suleyman Dheere) ayaa lagu toogtay meel wax u jirta guriga uu magaalada ka degan yahay.
Suleymaan Dheere waxaa uu sidoo kale ahaa gudoomiyaha saddexda maxkamadood ee Somaliland ee kala ah Rafcaanka, maxkamada sare iyo mid dastuuriga u qaabilsan gobolka Sool.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa goobta soo gaaray, waxaana meydka gudoomiyaha la geeyey gurigiisa.
Waxaa magaalada ka bilawday baaritaano xoogan iyadoo guud ahaan xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay magaalada Laascaanood caawa.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...