Monday 23 August 2010

Qoraal sir ah oo uu saxiixay Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay ka hadashay dowladda Itoobiya kuna tilmaantay…

Warqad sir ah oo uu saxiixay Madaxweynaha dowladeda KMG Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay dowladda Itoobiya, taas oo ka hadleysay arrimo kala duwan oo ay mid tahay maamulada Somaliland, Puntland, Al-Shabaab iyo qodob kale oo lagu sheegay inay muhiimyihiim.

Warkan oo ay jariirada Al-Sharqal Awsat ee ka soo baxda magaalada London ay baahisay ayaa waxaa lagu sheegay in qoraal ay diyaariyeen aqoonyahano Soomaali ah oo dabadeedna Shariif ka saxeexay, waxaana ku qornaa in dowladda Sheekh Shariif ay xaq u leedahay inay wadahadalo qarsoodi ah la gasho kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG, iyagoo ka sir qarsanaya dalalka reer galbeedka, iyo in dowladda KMG xiriirka diplumaasiyadeed u goyso dowlad kasta oo xiriir wanaagsan la leh maamulka Somaliland.

Wax yaabaha kale ee qoraalka sirta ah lagu sheegay waxaa ka mid ahaa in inta badan xoogagga mucaaradka ahi aysan kalsooni ku qabin dalka reer galbeedka, waana sababta ay dagaalka u joojin waayeen una diidanyihiin in ay ku soo biiraan xukuumadda” iyada oo xustay in mucaaradka oo la soo dhoweeyo si nabad loo raadiyaa ay ka muhiimsan tahay taageerada dowladaha reer galbeedka.” ayaa lagu yidhi qoraalkaasi uu saxiixay Sheekh Shariif, kaas oo ku talinayey in Ahlu sunna Waljamaaca lagula dhaqmo siyaasad u eg khiyaamo oo ah inaan si buuxda loo wada diidin, isla markaasna xiriir buuxa oo caafimaad qaba lala yeelan.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...