Friday 31 December 2010

Hogaamiyaha Shabaab oo ka digay abaabulo dagaal oo ka socda Jabuuti

Hogaamiyaha ugu sareeya Xarakada Al Shabaab ayaa ka digay qorshayaal ka dhan ah Al Shabaab oo ka socda dalka Jabuuti.

Amiirka Xarakada Al Shabaab Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Subayr oo fariin maqal ah uu soo duubay lasoo gaarsiiyay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka digay abaabulo dagaal iyo qorshayaal cusub oo uu sheegay in ay ka socdaan wadanka jabuuti, waxana uu tilmamay in loo baahan yahay in Shabaab iyo taageerayaashooda ay ka hortagaan qorshe yaashaasi.

Abuu Subayr waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday shirkado shisheeye oo uu sheegay in qorshayaal ay ka wadaan gudaha wadanka Soomaaliya iyo Hay’ado calooshood u shaqaystayaal ah oo qorshayaal ka dhan ah Al Shabaab iyana ka wada gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...