Thursday 30 December 2010

Qorshe Weerar ah oo ku Wajahan Kismaayo [Warar Hordhac ah oo Soo Baxay]

Muqdisho (RBC) Sida ay tibaaxeen ilo wareedyo militari oo ku sugan magaalada Muqdisho waxay DKMG iyo ciidanka Amisom ee ku sugan Muqdisho si wadajir ah u bilaabeen duulaan xoogan oo ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Warkaan oo RBC Radio ka heley ilo militari oo xasaasi ah ayaa muujinaya shax labo geesood ah oo lagu doonayo in Amisom iyo DKMG kula wareegaan magaalada dekeda ee Kismaayo halkaasoo ay maamulaan waqtigan maamulka Al Shabaab isla markaana ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo galo Al Shabaab.
Maalintii Jimcaha 24 December waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray taliyaha ciidanka militariga ee wadanka Uganda kaasoo si qarsoodi ah ku yimid Muqdisho, isla markaana wuxuu habeenimadii Sabtida ku hoyday xerada Amisom ugu weyn ee Muqdisho ugu taala ee Xalane.  Taliyahaasi yaa kulamo albaabada u xiran yihiin wuxuu la qaatay madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raisul wasaaraha Maxamed C/laahi Farmaajo iyo taliyaha ciidanka militariga ee DKMG Soomaaliya.
Wax badan lagama oga ujeedada dhabta ah ee kulankan balse warar lagu kalsoonaan karo ayaa RBC Radio u sheegay in taliyahaasi iyo madaxda TFG Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii loo balaarin lahaa hawgalka ciidanka Amisom ee gudaha magaalada Muqdisho.  Waxaa sidoo kale shaaca halkaasi looga qaaday in Amisom talaabada xigta ay u noqon doonto magaalada dekeda leh ee Kismaayo halkaana ay kala wareegi doonto Al Shabaab.
Ciidamo laga daadgureynayo dekeda Muqdisho
Wararkan aanu kahelnay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxay kaloo noo xaqiijiyeen in durba Muqdisho ay yimaadeen 4-kun askari oo kale oo ka socda wadanka Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...