Saturday 29 January 2011

Cismaan Jamac Kaluun muxuu ka yidhi booqashadii Somaliland uu ku tagay

"markiiba markii ishaydu ku dhacdey waxa uu dareemay in aan su'aalo weydiinaayo isaga oo ....

Waxa aan dhawaan kula kulmay siyaasiga Cismaan Jamac Kaluun magaalada London,kulankan aan is aragnay Cismaan Jamac muu ahayn markii iigu horeysay ee aan is aragnay anagoo magaalo wada degan,se waxa aan jeclaaday bal inaan wax ka weydiiyo booqashadii uu dhawaan ku tagay Somaliland iyo hadal hayn badan oo dad badani is weydiinayeen tagistii uu ku tagay Somaliland.

Cismaan Jamac Kaluun waa siyaasi in badan kusoo dhex jirey siyaasada Somalia,markiiba markii ishaydu ku dhacdey waxa uu dareemay in aan su'aalo weydiinaayo isaga oo markiiba candhuuftisii dib u liqay kana cago jiiday inuu warbixin fara badan iiga waramo,Cismaan waxa uu igu yidhi "Adeer ma jecli wariyayaasha iyo inaan siyaasad ka hadlo " isagoo sabab uga dhigay wararka oo ay bedelaan iyo waxaan jirin oo ay sheegaan,waxase uu iiga waramay guud ahaan nabadgalyada ka jirta Somaliland iyo horumarka uu sameeyey. Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...