Thursday 27 January 2011

Daawo Muuqaalada Caleemo saarkii Suldaan Cabdi Suldaan Guray oo maanta ka dhacday Degaanka Aashacado ee Degmada Borama+Sawiro

26/01/11-iSuldaan: Cabdi Suldaan Maxamed Nuur Geele(Guray Nuur) ayaa maanta loo caleema saaray Suldaanka Guud ee Beelwaynta Jibriil yoonis,
Suldaankan oo ah suldaan isagu ka dhaxlay aabihiis suldan Muxumed oo ahaa suldaan isagu inbadan soo hayay jagadan ayaa alaha u naxariistee ku geeriyooday magaaladan Boorama mudo imika laga joogo sanad iyo badh.
Hadaba Maanta ayaa waxaa Xaflad Balaadhan oo caleemo saar ahi ka dhacday Deegaanka Aashacado ee Degmada Borama waxaana ka soo qayb galay salaadiin,cuqaal,waxgarad,haween,dhalinyaro,musheekh, iyo bulshada inteeda kale.
Madashan Caleemo  saarka ayaa waxaa ka hadlay mid ka mida cuqaasha reer Awdal kana soo jeeda beeshan jibriir yoonis ahna rugcadaa inbadan ku soo jiray arimahan siyaasada Somaliland magaciisana layidhaahdo Ibraahin Magan Nuur wax aana hadaladiisi ka mid ahaa “waxa aanu halkan ka cadaynaynaa in uu yahay suldaan Cabdi suldaan Muxumed Guray Nuur Suldaanka Beesha Jibriil yoonis , waxaan ku ognahay in uu noqondoono sidii aabihii oo kale, aabihiina waxaa uu ahaa Suldaan Samaroon, kaas oo cadaalad iyo karti ku soo maamuli jiray mudooyin aad u fara badan,Madashan maantana aan u fadhino inankiisii oo maanta kala wareegay dhaxalkii aabihii ee Suldaanimada Jibrill yoonis,
waxa kale oo uu sheegay in Aabihii  uu horey ugu yaqaanay taariikhda uu ku  lahaa waxa uuna sheegay in uu ahaa  nin dadka isku keena ee aanan kala kaxayn caana ku ahaa dadka uu garta u wado waxay ahaanjireen kuwa kala bogsada oo ka tanaasula wax wali oo ka dhaxeeya ilaahayna waxaanu uga baryaynaa in uu dawgii aabihii mariyo aqoonta aanu u leenahay suldaankan cusub maaha wax yar oo nagu cusub waananu ku kalsoonahay waanan  ka kaliyahaata ee isku keeni kara tolkii islamarkaana xidhiidhka tolkii iyo beelaha kalena samayn kara iskuna xidhi kara dadkiisa iyo dawlada waana mid aanu ku kalsoonahay ”.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...