Saturday 26 February 2011

Deg Deg: Duqa Degmada Gaalkacyo Oo Xilkii Iska Casilay

Gaalkacyo (RBC Radio):- Duqii Degmada Gaalkacyo Mudane C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa goor dhoweyd oo saaka ah iska casilay xilkii Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo.
Mudane C/raxmaan ayaa warqad qoraal ah oo uu xafiiskiisa ku reebay ku sheegay in uu iscasilay isla markaana sababaha uu isu casilay ay yihiin duruufo isaga u gaar ah iyo xaalada haatan ku sugan tahay degmada Gaalkacyo oo la noqotay mid aan munaasib ku aheyn inuu ku sii shaqeeyo.
Duqii hore ee degmada Gaalkacyo Mudane C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo wuxuuna warqada iscasilaadiisu uu u dhiibay Gudoomiye xigeenka Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo Mudane Axmed Muuse Nuur.
Inkastoo aan la cadeyn halka uu u dhoofay Gudoomiyihii hore ee degmada Gaalkacyo haddana waxaa wararka la isla dhexmarayo ay sheegayaan in uu u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...