Saturday 26 February 2011

Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Saraakiisha Militariga DKMG illaa Xalay uga Socday Villa Baydhabo? (Xog Hoose)

Muqdisho (RBC) Sarakiisha militariga DKMG Soomaaliya ayaa kulan irdaha loo xirtay oo lagu tilmaamay kii ugu cuslaa ee dhawaanahan ay yeeshaan ayaa shalay galab illaa xalay wuxuu ka dhacay xarunta Villa Baydhabo oo ah taliska ciidanka xoogga dalka.
Ilo wareedyo ku dhow kulankaasi aya xaqiijiyey in sarakiil ku dhow 40 ay k qeybgleen kulankan iyadoo sidoo kale ay ay joogeen saraakiisha madaxtooyada si ay goob jog uga ahaadaan kulanka. Waxaana ujeedada kulankan ay ahayd in lagu gorfeeyo qaab dhismeedka qorshaha dagaal ee hadda DKMG kula jiryo xoogaga ururka Al Shabaab iyadoo dhowr maalmood ee la soo dhaafay askarta DKMG iyo kuwa Amisom ay talaabooyin horumar ah ka gaareen dagaalka.
Shirkan ayaa socday illaa xalay saqdii dhexe, waxaana saraakiishu ay isla jeexjeexeen sida ugu dhow ee ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom ay araxda uga jebin karaan xoogaga mucaaradka maadaama ay hadda bilawdeen guulaha dhanka dawlada ay ka soo hoysay dagaalka.
Inkastoo go’aanada shirkan ay ahaayeen kuwo militari oo aan haba yaraatee saxaafadda waxba looga sheegin ayaa hadda warar duulduul ah oo kasoo baxaya kulanka waxay sheegaayaan in saraakiisha militariga isla garteen in la xoojiyo dagaalka hadda ka furan dhowr aag oo ka mid ah Muqdisho si aan loogu ogolaan ciidamada Shabaab inay fursad u helan inay dib isu soo abaabulaan maadaama khasaaraha dagaaladii dhacay beryahan uu yahay mid badan.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...