Sunday 27 February 2011

Shariif Xasan oo ololihiisa ka dhanka ah Madaxweyne Shariif kula soo biiray Safiir Ameeriko (Warbixin)

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ku jooga Magaalada Nairobi ayaa wali wada ololaha ka dhanka ah Madaxweyne Shariif, iyadoo dib usoo cusboonaaday khilaafka isaga iyo Madaxweynaha.

Labada Shariif ayaa hada doonaya in dhamaadka ciyaarta siyaasada ay ku kala baxaan, iyadoo gulufka labada mas'uul ay wadaan uu ka duwan yahay sidii hore, isla markaana haatan ay bilaabatay loolan taageerada Dowladaha deriska ah.

Shariif Xasan ayaa ololaha xooga leh ee uu ka wado Nairobi ayaa ah dhinaca Hey'adaha Deeq-bixiyeyaasha u badan dalalka Midowga Yurub iyo Dowladda Kenya oo aragti ahaan dhowaan taageertay muddo kordhintii Baarlamaanka.

Laakiin arrinta xusida badan ayaa ah xulufeysiga ka socda Nairobi ayaa ah mid ballaaran oo siyaasiyiin caan ah iyo shaqsiyaad ka tirsan Dowladda KMG ay ku soo lug yeesheen.

Xiriirka soke ee Shariif Xasan la yeelanayay Safiirada dibada u fadhiya Dowladda KMG ayaa mudooyinkii u dambeeyay soo hagaagayay, iyadoo taas Shariifku kaga gol leeyahay inay u noqdaan albaab ku xira Madaxda dalalka ay safiirada u yihiin.
 
Bishii hore ayay aheyd markii kulan lagu abaabulay magaca Safaarada Soomaaliya ee Nairobi uu ahaa mid markii hore dadkii ka qeyb galayay lagu wargeliyay in dhaqaale lagu uruurinayo, balse markii madasha la isugu yimaaday ajandihii shirka loo bedelay mid siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweyne Shariif.

Isu soo dhowaanshaha muuqda ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ayaa ahaa mid isa soo tarayay oo ahaa mid labada dhinac ay hal doon isla fuuleen.

Kulamo qarsoodi ah oo ka dhacay Magaalada Nairobi oo ku dhex maray Shariif iyo Ameeriko ayaa ahaa mid ku qotomay sidii la isaga kaashan lahaa ololaha ka dhanka ah Madaxweynaha, marka la gaaro waqtiga uu xilkiisa ugu eg yahay ee Bisha Agosto.

Shirarkii jaraa'id ee gelinka hore iyo gelinkii dambe ee Jimcihii ayaa ifafaale u ahaa soo cusboonaanshaha khilaafka Labada Shariif oo hada guuxiisa aad u taagan yahay, iyadoo ka sokow loolanka gudaha ee Baarlamaanka uu wehliyo mid dhinaca dibada ee Beesha Caalamka.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...