Monday 28 March 2011

FAALLO: Wada Hadalsiinta siyaasiyiinta

By Liibaan Axmad
March 27, 2011


Nin baa laga hayaa “ dadka aan taariikhda waxba ka korodhsan, gefefkii hore ayay mar kale sameeyaan.” Waa murti wax badan u tari karta abaabulayaasha shirka London ka dhacay(a) bisha Abriil ( 2011) oo ay abaabuleen indheer-garad doonaya “in la soo afjaro dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa nabadgalyo ee sida gaarka u saameeyay  qabiilka Dhulbahantaha.”
Xarunta maamul ee gobolka Sool, Laas Canood, waa magaalo horumar wayn gaadhay intii u dhexeysay sannadihii 1991kii, markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay dhacday iyo sannadkii 1998kii markii la sameeyay maammul goboleedka Buntland (Puntland). Magaalada Buuhoodle oo ah xarunta gobolka Cayn, kase mid ah degmooyinka gobolka Togdheer marka la tixgeliyo 18kii gobol  ka hor burburkii dowladdii dhexe, waxay samaysay horumar badan dhinaca adeegyada bulshada, waxbarashada  iyo ganacsiyada kala duwan. Horumarkaas waxa keenay dadka ku nool gobolada oo aan kaashan ama wax ka sugin siyaasi ama maamul. Waa siyaasiyiinta  beesha aan kor ku xusay kuwa keenay in Laas Caanood noqoto mid dagaal filanaysa  laga soo bilaabo bishii Oktoobar 2004tii.
Buuhoodle ayaa ku biirtay magaalooyinka colaaddu dul hoganayso ebryahan dambe. Dad aan waraystay oo badankood ku nool Laas Caanood iyo Buuhoodle waxay ii sheegeen in welwelkooda ugu wayni uu la xidhiidho siyaasiyiinta marba maamul ku biira ama dhaqdhaqaaq hor leh oo siyaasadeed sameeya. Caddaynta doodda dadka aan waraystay ay ila wadaageen waa tirada siyaasiyiinta Buntland ama Somaliland ka tirsanaa haddase ku biiray maamul ama dhaqdhaqaaq ka horjeeda wixii ay taageeri jireen markii hore “iyagoo ku hadlaya magaca beesha”. Seddex koox siyaasadeed baa ku loollamaya aayaha beesha Dhulbahanate: koox taageersan Somaliland; koox taageersan Buntland; iyo koox taageersan madax-bannaanida siyaasadeed ee beesha. Kooxdan dambe waxay berigii hore taageersanayd  Buntland.

Ismaqalka iyo wada-tashiga Dhulbahante wuxuu heerkii ugu fiicnaa gaadhay intii aan la samayn maamulka Buntland iyo intaysan qaybo ka mid ah beeshu bah-wadaag siyaasadeed la noqon  maamulka Somaliland.  Tani macnaheedu ma aha dhibta siyaasadeed ee maanta taagan waxa  keenay maamul xumada Buntland iyo Somaliland. Dhibtu waxa ay qayb ahaan, ka timid  dadka  Laas Caanood iyo Buuhoodle ku nool oo garan la’ in horumarka degmooyinkoodu ka dhashay dadaalkooda iyo maal-gelintooda; ee aanu  iman waxqabadka siyaasiyiinta Buntland, Somaliland ama kuwa  madax-bannaanida siyaasadeed ee beesha taageersan.

Laba su’aalood ayaan  weydiiyay soddon qof oo Laas Canood, Taleex, Buuhoodle, Boocame iyo Yagoori  ku nool: sidee loo wada hadalsiin karaa siyaasiyiinta kooxaha ku  loollamaya aayaha siyaasadeed ee beesha Dhulbahante? Haddii lagu guuleysto wada hadalsiinta seddexda kooxood, ma hab beeleed bay u wada-hadlayaan mise hab-maamul?

Marka laga reebo laba qof, 28 qof ayaa i siiyay warcelin isku mid ah: seddexda kooxood ha u wada hadleen hab beeleed. Warcelinta weyddiinta koowaad lama hayo; wacerlinta weyddiinta labaadse dood bay dhalisay.
Liibaan Axmad
E-Mail: libahm@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...