Thursday 28 April 2011

Gen. Indha Cadde "Awoodii Al-Shabaab waa wiiqantay"

General Yusuf Maxamed Siyaasad oo ka tirsan saraakiisha milatariga dowlada KMG Soomaaliya ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo si rasmi ah saxaafada ugu icmaaliyo qorshaha dagaalka ee dowlada KMG Somalia ee ku wajahan sidii loo wiiqi lahaa awooda Shabaab.

Yusuf Indhacade oo wareysi mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in qidadooda dagaalka ee ay kala soo horjeedaan Al Shabaab ay tahay sidi ay ugu nagaan lahaayeen meelaha ay ka qabsadaan Al Shabaab kadibna ay ku sugaan halkaasi si ay u laayaan marka ay dib isu soo uruursadaan.

Waxa uu Indhacade tilmaamay in ay xooga saarayaan sidii ay usoo qabsan lahaayeen Gobolada dalka kadibna ay u fududaan doonto caasimada oo ay dowlada ka maamusho qeyb.

"Qorshaheena dagaalka waxa weeyaan sidii aan ugu nagaan laheyn goobaha aan qabsano kadibna marka ay Al Shabaab dib isu soo aruursadaan ee ay isku dayaan in ay soo laabtaan aan leyno, marka aan gobolada soo xoreyno Muqdisho ayaa iska fududaan doonto" ayuu ku faanay Indhacade.

Waxa uu dhanka kale sheegay in ay wiiqantay awooda Xarakada Al Shabaab oo hada gacanta ku heyso inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Hadalka Indhacade ayaa imaanayo xilli ay sii kululaanayaan dagaalada ay ciidamada dowlada ka wadaan gobolada Gedo, iyo Jubada Hoose.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...