Thursday 28 April 2011

Maamulka Gobolka Gedo oo Ku Dhawaaqay in Cafis ay u Fidiyeen Tageerayaashii Shabaab ee ku Haray Garbahaarey

Beledxaawo (RBC) Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo maanta markii ugu horeysay gaarey degmada Garbahaarey ee xaruntii gobolka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlu Suna ee maanta la wareegay magaaladay aysan dhibaateyn doonin xubnaha ka haray taageerayaasha Al-Shabaab ee ku haray Garbahaarey.
Maxamed Cabdi Kaliil oo maanta markii uu tegey magaalada Garbahaarey khadka telefoonka kula hadlay RBC Radio ayaa sheegay in cafiskan ay ka faa’ideysan doonaan oo kaliya cidii ka fariisata qaska iyo carqaladeynta amniga isla markaana ka harta taageerida kooxaha fawdada wada, sida uu yiri.
Wuxuu intaa ku daray gudoomiyaha gobolka Gedo in sidoo kale DKMG horey u sheegtay inaysan waxba u raacan doonin cidii ka tirsaneyd dagaalyahanada Al-Shabaab ee hubka iska soo wareejisa kana mid noqota dadweynaha, wuxuuna intaa sii raaciyey in lacag ay ugu bedeli doonaan hubkooda.
Hase yeeshee wuxuu Kaliil ku goodiyey in aysan ka hari doonin kuwa weli dagaalamaya ee ka tirsan Al-Shabaab isagoo sheegay in ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlu suna ay hadda u jiheysteen degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ah labada degmo ee kaliya ee ka tirsan gobolka Gedo ee weli ku harsan gacanta Al-Shabaab.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...